XULAFAYSI SIYAASADEED (POLITICAL ALLIANCE)

Beelo talo iyo towfiiq aan lahayn, wax isku oggolayn, tanaasul aan aqoon, siyaasiintooda ay dalaaliin iyo danleey u badan yihiin, horey loo tijaabiyay, ka gaabiyay horumarinta maamul u dhisidda deegaanadooda in loo taliyo lana maamulo waa xaq, waana sida ay ila tahay ra’yigayga, waa haddii aan wax walba saldhig looga dhigayn laguna cabirayn xaasidnimo iyo caadifad qabileed aan xuduud lahayn.Beelaha Hawiye ma ahan in ay noqdaan “reactive” waa in ay noqdaan “proactive” ka hadla mar walba masiirka shacabkooda dulman.Haddii beelaha Hawiye ay wax ka falcelinaayaan waa in marka hore ka hadlaan dulmiga lagu haayo shacabkooda iyo matalaad la’aanta ka haysata Aqalka sare, maqaamka caasimadda iyo maamul u dhisidda gobolka benaadir inta ay ka hadlayaan waqtina ku luminayaan beelo ka shiraaya danahooda gaarka ah.Beelo danahooda ka tashanaaya iyo horumarka bulshadooda dhib uma arko, waana sababta ay siyaasiin ugu yihiin maamulada ay ka soo jeedaan in ay ka shaqeeyaan danaha maamulka iyo shacabka ay wakiilka ka yihiin.Isbahaysiga beelaha Dir/Digil/Mirifle/shanaad waa mid beelo gaar ah ay ku suubsanayaan xulafaysi siyaasadeed (political alliance) si ay ula wareegaan hoggaaminta dalka, waana dadaal siyaasadeed mana lagu eedayn karo, waayo waa dad kartidooda muujinaaya meesha ay rabto ha la gaartee.Qorshahaan xulafaysiga ah waxaa gadaal ka riixaya Farmaajo/Fahad/Lafta-gareen/Mahdi Guuleed/Cawad/Maareeye si sannadkaan beelaha Hawiye madaxa loo geliyo in ay qaataan xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka ee baarlamaanka.In Gudoomiyaha Baarlamaanka loo qorsheeyo beelaha Hawiye, waa mid ay mutaysteen, waayo nufuudii ay lahaayeen (influence) ayaa hoos u dhacday, lana joogo waqtigii ay jaaniska siin lahaayeen beelaha kale, waayo ma laha sida beelaha kale siyaasiin kala garan kara wacyiga siyaasadeedka hadba meesha uu maraayo, mana laha qorshe dheer ama mid gaaban ee bulshada ay ka soo jeedaan ugu adeegi lahayn ama horumarinta deegaanadooda.Awalba awood qaybsiga beelaha 4.5 ma ahayn wax dastuurka ku qeexan, waxa ay ahayd “gentleman’s agreement”.Ma jirto beelo ay u xiran tahay madaxtooyada, baarlamaanka ama r/wasaaraha, waxa ay mar walba ku xirnayd, dadaalka, hamiga iyo jaaniska ay markaas siyaasiinta qaarkood haysteen.Hab- qaybsiga beelaha waa mid meerto u qaab eg, horeyna ugu dhisnaa “gentlemens’ agreement” laakiin markii laga hadlaayo xaqiiqda ka jirta dalka (de-facto situation) awood-qaybsiga beelaha waa mid dhalanteed ah – ha la gaaro markii qof iyo cod ay noqoto mustaqbilka (one man one vote).Qaabkaan wax qaybsiga beelaha haddii wax laga bedelo waxaa la hubaa in ay abuurayso xasarado siyaasadeed aan hadda muuqan, dalkana dib ugu celinaysa meeshii xumayd ee laga soo wada hayaamay, alle ha naga najeeyee.Ugu dambayn, markii hurdadaadu badato miraha laga dhaxlo waa middaan oo kale, armeey faraj soo baxay u noqotaa beelaha Hawiye, waagu u baryaa, waciyigooda siyaasadeed kobcaa, waayuhuna dadka wax baraa !Badbaada Allah,Avv. Khalif M DualeSent from my iPhone

Leave A Reply

Your email address will not be published.