‘Xasan oo heli kara fursad weyn oo uu mar saddexaad kusoo laabto hal sabab darteed’

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa markii u horeysay walaac ka muujiyay arrin mar saddexaad fursad weyn siin karta madaxweyne Xasan Sheekh, si uu ugu soo laabto talada dalka.

Cali Yare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in mucaaradka dowladda uu laba garab u kala jabay, taasi oo uu sheegay in fursad weyn siin karto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in khaanada koowaad ay ku wada jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka garabka labaad uu ku sheegay siyaasiyiinta diidan Farmaajo ee horey xurgufta siyaasadeed uga dhaxeysay.

“Kala dhantaalanka isbaheeysigii awoodda lahaa (ee mucaaradka) ayaa sababsaday markii uu madaxweyne Shariif Sheekh Axmed codsaday in Xildhibaan Farmaajo kooxda lagu soo daro, taas oo ay dhammaan xubnaha isbaheysigu ay cod buuxa ku diideen marka Shariif laga reebo,” ayuu yiri Cali Yare.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haddii doorashada la gaaro iyada oo mucaaradka uu weli laba garab u kala jaban yahay ay sare u qaadeyso rejada Xasan, uuna madaxweynaha heli doono fursad weyn oo uu markiisii seddexaad kursiga ugu soo laabto.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare oo dhameystiran;

Taariikhda siyaasadda dalkeenna markeedii koowaad ayuu mucaaradka dowladdu labo garab ukala jabay.

Madaxweyne Saciid Abdullahi Deni, Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre, Raisalwasaare Omar Abdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweyne Abdiweli Ali Gaas, Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame, Dr. Abdinasir Abdulle, Shariif Xasan Sh. Aden iyo Dr. Abdinur ayaa iyaguna garabkale noqday.

Kala dhantaalanka isbaheeysigii awoodda lahaa ayaa sababsaday markii uu madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed codsaday in Xildhibaan Farmaajo kooxda lagu soo daro, taas oo ay dhammaan xubnaha isbaheysigu ay cod buuxa ku diideen marka Shariif laga reebo.

Dhanka labada madaxweyne ee xildhibaannada ah [Shariif iyo Farmaajo] weli uma soo gaba-gaboobun dooddoodii la xariirtay in midkood loo tanasulo lana dhiso halka uu kan kale uu kursiga Ra’isalwasaare qaadan doono.

Kooxda Shariifka ayaana aaminsan in maadaama ay Farmaajo iyo Muqdisho oo ah goobta doorashadu ka dhaceeyso ay si buuxda dhabarka isku xijiyeen uu Shariifku mudanyahay in la dhiso hadda, hadhoowna uu Farmaajo Ra’isalwasaare u soo magacaabo.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa intii aan madaxweyne Saciid Deni dib loo soo dooran rajadiisu sarreeysay ahaana musharaxa ugu culus beel ahaan beesha Daarood, balse hadda waxaa miiska soo fuulay Saciid Deni oo isagu gacantiisa Xildhibaanno 50 ku dhow (ku qorta).

Saciid Deni ayaa lagu xasuustaa inuu doorashadii la soo dhaafay ee 2022 wareegeedii koowaad hoggaanka u qabtay, waxayna aheyd markii ugu horreeysay taariikhda ee madaxweyne kursiga ku fadhiga looga codad bato wareegga koowaad.

Doorashada Soomaaliya waligeed horay uma dhicin in mucaaradku uu labo garab doorashada ku galo, sababta uu markasta isbaheeysiga mucaaradku ugu guuleeysto doorashada ayayna sababteedu aheeyd awooddooda oo mideeysnaan jirtay.

Haddii doorashada la gaaro mucaaradka oo labo garab u kala jaban waxaa hubaal ah inuu madaxweyne Shiikh heli doono fursad weeyn oo uu markiisii seddexaad kursiga ugu soo laabto.

Leave A Reply

Your email address will not be published.