Kursigii ugu tartanka adkaa doorashada aqalka hoose oo lagu qabtay Gaalkacyo
Qaali Shire ayaa wareegii labaad ee doorashada heshay 61cod, waxayna ka guulaysatay Ubax Tahliil oo muddo toban sano ah kursigaas ku fadhiday.
Wareegii hore ee doorashada ayay Qaali Shire heshay 32 cod, hase ahaatee waxay kusoo baxday codadka musharraxiinta ku haray wareegii hore, kuwaas oo ay ku heshiiyeen inay isbedel sameeyaan.
Xildhibaan Qaali Shire waxay kamid ahayd dadka aadka u dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo waxayna ka guulaysatay Ubax Tahliil oo kamid ahayd taageerayaasha siyaaaada madaxweyne Farmaajo.