Sababta Mahad Salaad u baxay iyo arrimaha horyaalla agaasimaha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa shalay loo magacaabay agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ayaa ku dhawaaqay in markii saddexaad Sanbaloolshe uu noqday agaasimaha hay’addaan kamidka ah kuwa ugu muhiimsan dalka. Waxa uuna beddelay Mahad Maxamed Salaad oo ay Golaha Wasiiradda farriintooda ugu mahad-celiyeen.

Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan 2024, markii uu Mahad Salaad la wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza damiciisa hoggaanka Galmudug, Villa Somalia waxaa ka dhex socday loolanka kursigan, kooxda madaxweynaha ayaana dhowr musharax la kala safatay.

Dadkii miiska saarna ee Sanbaloolshe uu kursigan uga adkaaday waxaa kamid ahaa Axmed Macallin Fiqi, Cabdalla Cabdalla iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Saddexdii muddo xileed ee ugu dambeysay dowladnimada Soomaaliya Sanbaloolshe wuxuu nasiib u yeeshay inuu mid walba ka noqdo taliye nabad-sugid, balse marna sanad uma buuxsamin.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu markaan kusoo aadaya iyada oo hay’adda ballaaratay, ciidan fara badan yeelatay, sharci loo sameeyay, kuna guuleysatay inay wax badan ka qabato xaalad amni ee magaalada Muqdisho.

Leave A Reply

Your email address will not be published.