Taariikhda Suldaan Ducaale Kaahiye Muxumud.

TAARIIKH IYO DHAQAN SOO-JIREEN AH.Taariikhda Awoowe Suldaan Ducaale Kaahiye Muxumud.Haddii aan wax yar ka sheego taariikhda soo-yaalka ahayd ama dhaxal-galka noqotay allaha u naxariistee awoowe Suldaan Ducaale Kaahiye Muxumud waa mid taariikhda ay xustay waligeedna xusi doonto.Suldaan Ducaale Kaahiye Muxumud wuxuu ku dhashay nawaaxiga Hobyo1895 wuxuuna ka mid noqday askartii Talyaaniga iyo Ingiriiska, isagoo ka gaaray darajada caqiid ilaa barasaab “governor” 1925 Magaalada Marka.Awoowe Ducaale intii magaalada Marka uu madaxda ka ahaa wuxuu ka dhisay bartamaha magaalada Marka guryo waawayn markii dambana ka dhigay una bedelay masaajidyo waqaf ah ilaa maanta dadkii reer marka ahaa ay qaarkood taariikhdaas xasuustaan jid magaciisa watana loogu magac daray 1930s.Waxaa suldaan Ducaale Kaahiye ugu dhashay magaalada Marka wiilkiisa labaad Suldan Maxamed Suldan Ducaale ayna dhashay ayeeyo Caloowla Xandulle Islaan.Suldaan Ducaale iyo Mr. Qasaaro ee ka soo jeeday reer Xaaji Suleimaan islamarkaasna ku-xigeenkiisa ahaa ayaa dowladda Talyaaniga ku qanciyay in talada nawaaxiga Hobyo xoog looga wareejiyo suldan Cali Yusuf oo markaa xaakim ka ahaa Hobyo, waxa ayna abaabuleen ciidamo lug uga baxay Muqdisho dhinaca xeebta maray waxaana hoggaaminaayay suldaan Ducaale Kaahiye Muxumud.Waxaa kaloo xusid mudan in Ciidamada Talyaaniga ay iyaguna ku tageen markab magaalada Hobyo lana soo xiray Cali Yusuf 1927.Markii mustacmaradda Talyaaniga la wareegen dhammaan gobolka Mudug waxaa Suldan Ducaale Kaahiye madax looga dhigay Magaalada Hobyo iyo Gobolka Mudug wuxuuna haystay “absolute power” uu ku xakameeyo haraadigii ciidamadii Cali Yuusuf, kadibna waxaa suldaan Ducaale u magacaabay qabaa’ilada horjoogayaal “capo-tribu” loo yaqiin “taabileyaal”.Suldaan Ducaale wuxuu amar ku bixiyay markii uu la wareegay talada Hobyo in wixii wakiilo Cali Yusuf u ahaa ama naa’ibiin u ahaa laga cayriyo nawaaxiga Hobyo, qaarna iyagoo xir-xiran loo masasfuriyay magaalada Muqdisho.Suldaan Ducaale waxaa dowladda Talyaaniga ku sharftay billadda la siiyo geesiyada “cavaliere/medal of honour/knight” wuxuuna ka mid noqday markii dambe guddigii baarlamaanka daakhiliga ahaa “consiglio territoriale” ka hor inta aan la suubin Amministrazione fiduciaria Italiano Somalo (AFIS).Awoowe Ducaale wuxuu ka badbaaday shirqoolo badan ay u dhigeen kooxo jaajuusiin u ahaa Ingiriiska oo markaas qabsatay dalka 1945, markii dowladda Talyaaniga lagu jabiyay dagaalkii labaad ee adduunka, awoowe Ducaale isagoo ku maqan Muqdisho ayaa dowladda Ingiriiska amar ku bixisay in suldaan Ducaale laga hor istaago gelitaanka magaalada Hobyo ilaa suldaan Ducaale ku dhawaaqay hadal taariikhda galay ee ahaa “balanteena waa asbuuca dambe iyo Hobyo” maamulka Ingiriis iyo xulafadiisa ayaana waagu ku baryay markii ay maqleen abaabulka Suldaan Ducaale u wado.Awoowe Ducaale wuxuu abaabulay dad gaaraaya ilaa 10 kun oo qof ee magaalada Hobyo xoog ku qabsaday ilaa maamulkii Ingiriiska ka noqdaan amarkii ay ku dhawaaqeen, isla markiina u ictiraafeen suldaan Ducaale in uu yahay suldaanka guud sida uu horey ugu ahaa xaakimka Hobyo waqtigii Talyaaniga uu joogay.Suldaan Ducaale allaha u naxariistee, waxaa lagu xasuustaa deeqsinimo, geesinimo, samafal-nimo, shaqo abuur, wuxuuna qoray 350 boolis iyo ilaalo ah iyo 150 karaaniyaal ah(clerks) 1950-1960 iyo adeegyo badan ay ka mid ahaayeen ceelal-biyood, skuulo aqoonta dadka kor loogu qaadayo iyo hoggaamin ku dhisan (charismatic leadership) dadkuna ay isku mid u wada ahaayeen taariikhdana ku xusan.Waxaa halkaa ka sii waday dhimashadii awoowe Ducaale ka dib AUN AabbeSuldan Mohamed Suldan Ducaale oo sida taariikhda ku xusan uga tagay bulshadiisa hoggaamin suubban.Waxaa geeridii aabbe suldaan Maxamed Ducaale xilkii hoggaaminta lagu wareejiyay suldaan Cabdullahi Maxamed Ducaale “five” allaha u naxariistee oo isna geeriyooday bilo ka hor isagoo si daacadnimo iyo xilkasnimo ku jirto ku hoggaamiyay bulshada uu wakiilka ka ahaa.Haddaba maanta oo laga joogo hoggaamintii awoowe 101 sano waxaa xilkii soo jireenka ahaa loo duubay ama loo caleema saarey yaraankii awoowe Ducaale oo ah Suldan Mohamud Suldan Ducaale ayna dhashey AUN Dahabo Guure Maamun.Waxaa nasiib darro ah in maanta ay soo baxeen kooxo yaro wada garab-rarato ah, dhaqanka iyo taariikhda soo-jireenka ah fikrad ka haysan, qiimaha iyo qadarinta dhaqanka soo jireenka ah u leeyahay bulshada hilmaansan, ku soo barbaaray boob iyo bililiqo, wada xarbul-taajiriin ah, caqligooda iyo garashadooda ay ka soo bilaabato 1991 iyo in wax walba la bililiqaysan karo, kana fara maran asluub iyo anshax waanaagsan ayna waajib tahay ama mudan yihiin in sida ay tahay looga hor tago, lagana falceliyo.Haddaba, waxaan u diraayaa suldaan Maxamuud Suldaan Ducaale hambalyo iyo bogaadin qadarin leh in ilaaheey la garab-galo mas’uuliyadda loo igmaday.Suldaan Maxamuud Ducaale waa khabiir iyo Engineer caan ka ah dalka Maraykanka, ka soo shaqeeyay shirkado (500 fortune companies) u badan, islamarkaasna hoggaamiye ka ahaa jaalliyadaha Soomaaliyeed ee North America gaar ahaan Minneapolis, Minnesota.Mar labaad, ilaaheey ha kuu fududeeyo mas’uuliyadda laguu igmaday – suldaanka guud ee Wuqujire.Aaamiin. Aamiin. Aamiin.Avv. Khalif M Duale

Leave A Reply

Your email address will not be published.