Sii Hayaha Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wahan Hobyo+Sawirro

Sii hayaha madaxweynaha Galmudug ahan madaxweyne ku xigeenka iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa u ambabaxay magaalo xeebedka hobyo ee gobalka mudug iyagoo ka qeyb-gali doono dhagax dhiga dhismaha  mashaariic cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Hobyo

Madaxweyne ku xigeenka socdaalka waxaa ku wehlinayo guddomiyaha golaha wakiilada Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo xubo kale oo ka tirsan Galmudug.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa kohor safarkiisan waxa uu kormeeray howlaha Dhismaha ee garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo maraya meel bilaaw ah, Waxaana uu shirkadaha diyaarinaya agabka dhismaha iyo injineerada uu kala hadlay  sida ugu dhow ee howshani ku bilaaban karto iyo caqabadaha jiri kara si looga sii gaashaanto.

Dhinaca kale wafdi ay hogaamineyso marwada kowaad ee Madaxweynaha dalka Seynab Macalin ayaa goordhaw ka degatay magaalada Hobyo iyadoo dhagax dhiga doonto Cisbitaalka Hooyada iyo dhallaanka oo qeyb-ka ah adeegyada bulshada ku dhaqan deegaanka ay codsanayeen muddooyinkaan.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.