Marwo Saynab Xaaska MW Farmaajo oo gaartay Hobyo

Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray wafdi ay hoggaamineysa Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Marwo Seynab Macalin, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Marwo Seynab Macalin iyo wafdigeeda uu kamid ah yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo halkaas uga sii horreeyay iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Hobyo.

Ujeedka Marwada Koowaad ee Madaxweynaha ee Hobyo ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay sidii ay Magaalada uga dhagax dhigi laheyd xarun hooyada iyo dhalaanka ah oo la hirgelin doono.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa inta uu ku sugan halkaas waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan iyo xaaladda deegaanka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.