Amb. Jabriil Ibraahim Oo Lagu Soo Dhoweeyay Nairobi

Jan 14 (Jowhar.com)-Xaflad lagu soo dhaweynayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi H.E. Jabril Ibrahim Abdulle xafladdaan oo ay soo agaasimeen Ganacsatada Eastleigh EBDA ayaa xalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Danjira Jabril Ibrahim Abdulle ayaa u mahad celiyay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi wuxuuna ballan qaaday in Safaaradda ay si hufan ugu shaqeyn doonto Jaaliyadda isla markaana si dhow ugala shaqeyn doonto Ganacsatada baahiyada ay qabaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.