Itoobiya oo sheegtay inay la kulmayso cadaadis ka dhan ah heshiiska ay Somaliland la gashay

Axad, January, 14, 2024  – Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Addis Ababa ay wajaheyso cadaadis caalami ah oo ku wajahan in ay ka noqoto heshiiskii is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibbada ahna raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa sheegay inkastoo ay wajahayaan cadaadisyo caalami ah, haddana wuxuu ku celceliyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dhaqan galinta heshiiska ay la gashay Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa sidoo kale xaqiijisay in Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, China, Masar, Saudi Arabia iyo dalal kale ay taageereen midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan digniin culus ka soo saaray heshiiskaasi, wuxuuna ku hanjabay inay Soomaaliya ku difaaci doonto baddeeda wax kasta oo ay ku heli karaan.

Waxa uu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen duulaanka qaawan ee lagusoo qaaday badda Soomaaliya, waxa uuna uga digay Itoobiya in ay xaalada u sii gudbiso colaado hubeysan.

 

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.