MUSTAFE CAGJAR OO SOO DHAWEEYAY GO’AANKA XUKUUMADDA SOOMAALIYA

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Mustafe Maxmuud Cumar (Cagjar) ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay maanta gaartay Xukuumadda Soomaaliya ee la xiriira ururka ONLF iyo dhiibistii Qalbidhagax.

Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax)”.

“Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in ay jiraan ficilo lamid ah tii Qalbidhagax oo ka dhacay deegaano kale oo Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay cid walba oo xadgudub samaysay inay bixiso raali-galin buuxda.

“Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda”.

“Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

S/puntlantimes

Leave A Reply

Your email address will not be published.