Hadaf baan ka hadlayaa

Weligey xitaa markaan yaraa waxaan ku hamiyi jiray in aan arko wax aan adduunka ku soo kordhiyay oo nolosha aadanaha wax ka beddeshay. Waxaan lahaa hadaf mana aan ogeyn waxa aan qaban doono, meesha aan ka qaban doono waayo hadafka hami buu ahaayee ma ahayn mid ii qeexan.
Wax aan dadka dheeraa ama hiba ahaan iiga muuqdayna ma jirin marka laga reebo ciyaaraha iyo qoraalka oo aan aad u jeclaa. Alxamdullilah maanta buugaagna waan qoray, Model ganacsi oo la ansixiyayna waan hindisay, balse waxaan dadka hadafka leh u sheegayaa in ay la kulmayaan laba nooc oo dad ah: Mid arka halka aad hiigsanayso fogaanteeda oo colaad hoose kugu bilaaba iyo hagardaamo aadan ogeyn, si hankaagu u soo gaabto halka aad hiigsaneysana hoos uga soo dhacdo.
Kaasi waa midka saaxiibtinimadiisu ay cadawtinimo qarsoon isu beddesho markuu ogaado inaad tahay mid meel fog u socda. Ka kale waa mid aan saaxiib ahayn balse hoosta kaala socda oo halka aad maanta joogtid kugu haysan balse ka xun waxa aad beri noqon doontid. Haddii labadaasi isu kaa kaashadaan, xaalkaaga waa loo baqaa. Sidaa darteed haddii aad tahay qof hadaf leh weligaa ha dareensiin dadka kale halka hayaankaagu geedi u yahay. Ka fogow kuwa tabban ama negative-ka ah. Wax ku darso kuwa togan ee positive-ka ah.
Ogow hirkuba ka kuu hinjiya halka aad hiigasneyso ayaa la raacaa ee hir hadba kacaya ee haddana kaa hor imanaya ee halki aad shaly ka timid kugu celinaya oo hankaaga jebinaya la isuma dhigo ee waa la hareer maraa ama laga hoos dusaa. Kuwaa tabban murankooda iska yaree ama haba la murmun.
Hadaf haddii aad leedahay waa in aad ahaataa tab yaqaan aaney taladu seegin iyo tashade aan tiicin. Waa in aad ahaataa mid waqtiga iyo waayaha wax ka barta oo is waaniya, warkan xigmaddiisa dhuuxa. Waa in aad ahaataa mid wixi maanta isku horgudba isaga weeciya cahar waaye hore nolosha u soo dhigtay. Ha noqonin damiin maalin walba isla mushkiladi hore xalliya.
Wax ka baro waqtiga. Samir iyo dulqaad yeelo. Nebigaba CS dacwadi uu waday haddii aysan kala sarreyn dhibka uu ka marayo fidinteeda, qashinka guriga loo soo dhigay subax walba inta iska qaado, haddana kii soo dhigi jiray gurigiisa kuma booqdeen si uu u soo booqdo haddii xannuun dartii uu qashin saaka u soo dhigi waayay guriga hortiisa. Haddii aad hadaf leedahay hankaagu ha sarreeyo.

Leave A Reply

Your email address will not be published.