Nuxurka heshiiska hirgalinta doorashada

Kadib muran qaatay waqti badan iyo is-faham la’aan jirtay in ka badan Siddeed bilood oo la xariirtay khilaafkii doorashooyinka, ugu danbeyn maanta ayaa la saxiixay heshiis doorasho, waxaana la isla af-gartay qodobadii ku hor gudbanaa in dalku u dareero doorasho la isla oggol yahay, xor iyo xalaal ah, oo aan cid gooni ah u xirneyn.

Warar Keydmedia Online
Nuxurka heshiiska hirgalinta doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya – Fashil fara badan, kala tag iyo kala dareer, burbur wada-hadal iyo is dhaleeceyn muddo ku hor gudbaneyd hirgalinta hanaan doorasho oo la aaminsan yahay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu masuul ka ahaa ayaa ugu danbeyn maanta soo af-jarmay, waxaana dalku u dareeray doorasho lagu qabanayo muddo cayiman.

Wada-hadalkii looga xaajoonayay xal u helidda arrimaha doorashooyinka ee soo billawday 12-kii bishaan oo ay ka qeyb galayeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraala iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray war murtiyeedka ku saabsan heshiiskii laga gaaray hirgalinta doorashada.

Shir Madaxeedka waxaa lagu xalliyay lix qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ah; xallinta cabashada la xariirta guddiga maamulaya doorashooyinka, khilaafkii Soomaaliland, murankii ka taagnaa gobolka Gedo, qoondada Haweenka, amniga doorashada iyo jadwalka qabsoomidda doorashooyinka.

  • Xallinta khilaaafka guddiga maamulaya doorashada.

Si xal waara looga gaaro muranka ka jiray guddiga doorashada dadban, waxaa la go’aamiyay in la tix raaco, so jeedintii gudiigii farsano ee bartamihii Febaraayo ku shiray magaalada Baydhabo, isla markaana muddo saddex maalin gudahood ah RW Rooble, loo soo gudbiyo xubnaha uu muranku ka jiro.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, marka ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabao, wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacaawday, si muddo labo maalin gudahood ah ay u soo diraan xubno cusub.

  • Xal u helidda guddiga maamulka doorashooyinka Soomaaliland.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa masuul ka ah habsami u socoda, doorashooyinka kuraasta Soomaaliland, isagoo talo galinaya Guddomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeynkiisa Mahdi Guuleed.

Waxaa lagu heshiiyay in Gudoomiye Cabdi Xaashi soo magacaabo afar xubnood oo ka mid ah guddiga maamulka doorashada ee kuraasta Soomaaliland ‘SEIT’ Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in Cabdi Xaashi soo magacaabo hal xubin oo ka mid ah guddiga maamulka doorashoyinka heer Fadaraal ee Soomaaliland ‘FEIT’ iyo hal xubin oo ah guddiga Khilaafaadka.

  • Hannaanka xallinta khilaafadka gobolka Gedo.

Waxaa la go’aamiyay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu gar-wadeyn ka noqdo, Amniga iyo dib u heshiisiinta Jubbaland si ay habsami ugu dhacdo doorashada gobolka Gedo.

Waxaa lagu heshiiyay dhisidda guddi dib u heshsiisiin oo ka kooban maamullada dalka oo aysan ku jirin Jubbaland, si waafaqsan soo jeedintii hore ee guddigii Farsamada ee ku shiray magaaladda Baydhabo 16-kii Febaraayo 2021.

Madaxweynaha Dowladda jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha maamulka degmada Garbahaaray ee ay soo gudbiyaan guddiga dib u heshiisiinta.

Guddiga dib u heshiisiinta ee la magacaabi doono saddex maalin gudahood, waxaa laga rabaa in ay xalka arrinta goblka Gedo ku soo gabagabeeyaan muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka billabaneysa marka la magacaabo.

Amniga doorashooyinka Jubbaland gaar ahaan Garbahaarey waxaa sugi doona booliska AMISOM, guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka degmada ayaana ka diyaarin doona qorshaha sugidda amniga tartamayaasha iyo ergada.

  • Hirgalinta Qoondada Haweenka.

Qoondada haweenka waxba lagama badalin waxana lagu heshiiyay in la ilaaliyo qeybtooda oo ah 30% kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waana si la mid ah doorashadii tan ka horreysay ee la qabtay billowgii 2017.

  • Jadwalka qabsoomidda Doorashooyinka.

Waxaa lagu heshiiyay in doorashooyinka lagu dhameystiro  muddo lixdan cisho ah, waxana gudiyada Doorashooyinka la faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan soo saaraan jaan-goynta jadwalka doorashooyinka.

  • Amniga Doorashooyinka.

Mid ka mid ah arrimaha ugu adkaa ee Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku fashilmay in uu xalliyo ayaa ahaa khilaafkii ka taagna musuuliyadda amiga doorashooyinka, waxaana la isku af-garatay dhisidda guddi amni oo masuul ah amniga doorashooyinka dalka, isla markaana uu hoggaaminayo RW Rooble.

Heshiskaan aya loo sameeyay xaflad saxiix, waxaana la casuumay guud ahaan samileyda Siyaasadda,  urur-rada Bushada Rayidka, Wakiillada Beesha Caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah, waxaana markii ugu horreysay hal madal ka wada qudbeeyay Farmaajo iyo labadii Madaxweyne ee ka horeyay kadib 8 Febaraayo 2017.

KEYDMEDIA ONLINE

Leave A Reply

Your email address will not be published.