The news is by your side.

Dib u Sixid iyo Dib u dhiska Beesha Cumar Maxamuud (in la baabi’iyo magaca Islaan-ka )

Hordhac:-Qaab nololeedka aadanuhu waa tillaabooyin iyo dhacdooyin isdabajoog ah ilaa Aadam iyo Xaawo.

Qoraalkani waxa uu si kooban ama dulmar ah u tilmaamayaa dhaqanka iyo nolosha dadka Soomaalida ah asagoo si khaas ah hoos ugu sii daadegi doona Beesha ku xusan cinwaanka sare ee qoraalkaan.

Dadku waxa uu u noolyahay qaab bulshooyin (communities). Aasaaska ama unugga bulshaduna waa qoys ka kooban nin, ooridiis iyo ubadkooda (haddiiba Alle siiyo).

Soomaalidu waxay kaloo qoyska u taqaan “reer”. Reerka waxa ay Soomaalidu summad uga dhigtaa ninka ama odayga qoyska sida tusaale ahaan: reer Cali, reer Maxamed, reer Jaamac iwm.

Sidaa darteed, magacyadaas cali, maxamed iyo jaamac marna waa magac qof shakhsi ah marna waa magac beeleed ama qabiil.

Nolosha degaannada dunida qaarkood oo adag darteed ma badna ama waa dhif in uu qoys kaligiis ahi ku noolaado degaan aad uga fog dadka kale maadaama uu u baahan yahay cid ay iska kaashadaan habar dugaagta, biyo la’aanta, baahi gaadiid, tuugada, colka, abaarta iyo guud ahaan musiibooyinka rabbaaniga ah.

Qoyska ama jeeska waxaa ku xiga duddo oo ah dhowr qoys ama qoysas badan oo is- kaashada, iska warqaba kuna wada nool aag dhuleed ama degaan kooan. Dadkaani waxay noqon karaan reer miyi ama reer guuraa xoolo dhaqato ah oo hadba u guura degaanka ay ka heli karaan daaqsinta xoolahooda. Waxay kaloo noqon karaan beeraley ka agdhow biyaha sida wabiyada ama dhul ku habboon abuurka beeraha. Waxaa kaloo jira dad iyagu kalluumaysato ah oo kalluunka ka jillaabta badaha iyo wabiyada noloshooduna ku salaysan tahay khayraadkaas dabiiciga ah.

Soomaalidu waxay muddo hal qarni iyo dheerad ah degtay tuulooyin ka agdhow daaqsinta xoolaha iyo magaalooyin la kowsaday waayihii ay gayiga Soomaaliya soo galeen gumaystayaashii reer galbeedku.

Tuulooyinkii iyo magaalooyinkii waxay noqdeen kuwo ay ka farcamaan Gobollo ay gumastayaashii abuureen si uu ugu fududaado mabda’oodii siyaasadeed ee qaybi oo xukun (divide and rule).

In kastoo aysan degaannadii Soomaalida xilliyadaas gumaysiga iyo ka horba ka jirin waxa maanta loo yaqaan dawlad, waxaa haddana jirey guurti ama odayaal ay bulshadu u dirsato dano ama adeegyo khaas ah ee ay ka odayeeyaan.

Waxaa jirtey caado degaaneed oo meelaha qaarkood farta lagu fiiqo nin lagu magacaabi jirey oday beeleed xaaladdaasoo ka jirtey badi degaannadii ay Soomaalidu ku noolayd ee geeska Afrika.

Degaan ama beel kasta waxaa ninkaa loo bixin jirey magac lagu lammaaniyo magaciisa shakhsiga ah sida tusaale ahaan: weber, suldaan, ugaas, malaaq iwm.

Xilalka ama hawl-maalmeedka odayaashaasi waxay ku kala duwanaayeen hadba baahida ka jirtey degaannadooda.

Degaannada beeralayda iyo kalluumaysatada waxaa ka jirey nidaam shaqo qaybsi ama xeerar iyo caadooyin taageera wax soo saarka dhaqaale ama shaqo abuurka.

Degaannadaan oo ahaa kuwo ay dadku ku nagi yihiin waxaa ku yaraa xasarado dagaal maadaama aysan jirin biyo la’aan iyo daaqsin lagu dagaallamo. Sidaa darteed, xilalkii odayaashii degaannadaan waxaa ka mid ahaa xallinta khilaafaad yaryar oo ku saabsanaa xadaynta dhul beereedka iyo dhiirrigalinta iskaashiga iyo wada shaqaynta beeralayda sida in ay si iskaa wax u qabso ah isugu gurmadaan falashada iyo goynta dalagga beeraha marka uu bislaado iwm.

Dhanka kale, waxay odayaashu ka caawin jireen kalluumaysatada sida ay isaga kaashadaan dhismaha doonyaha yaryar ee lagu soo jillaabto kalluunka iyo sidoo kale kaltanka doonyaleyda ee maalmaha iyo saacadaha ay badda galayaan iwm.

Odayaasha labadaan degaan kuma badnayn ururinta qaanta diyada ama magaha maadaama uu dilku ku yaraa degaannadaan marka la barbar-dhigo degaannada reer guuraaga.

Ugu dambayn, odayaashii labadaan degaan waxay uga duwanaayeen odayaasha degaannada reer guuraaga ayagoo laftigoodu ahaa xirfadleyaal shaqaysta oo ahaa beer falato ama kalluumaysato. Ma ahayn niman ku nool qaaraan looga soo uruuriyo ama ku dul noolaa bulshadooda (they were not parasites).

DULUCDA QORAALKA

Qoraalkani waxa uu si kooban u xusayaa taariikhda iyo degaanka

Beesha Cumar Maxamuud Saleebaan.

Beeshan dadkeedu waxay ku beermeen gayiga maanta loo yaqaan Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug iyo nawaaxigiisa marka lagu daro dhanka waqooyi bari ee dhulka Soomaaliyeed ee ay xabashidu gumaysato ee loo yaqaan Ceel-cad.

Maxay ku tiirsanayd nolosha dadka Beesha CMS

Dadka reerkani waxay ahaayeen ilaa haddana u badan yihiin reer guuraa xoolo dhaqato ah oo ku nool hilibka iyo caanaha xoolaha gaar ahaan Geela iyo Ariga.

Dadka Beeshani waligood waa ay ka qatanaayeen oo nasiib uma yeelan labada qaybood ee saldhigga u ah dhaqaalaha Soomaaliya ee kala ah Beeraha iyo Kalluumaysiga, khayraadkaas oo ay ku noolyihiin Soomaalida deggan agagaarka labada webi ee Jubba iyo Shabeelle iyo Gobolka Bari.

Degaankaa saxaraha ah ee ay beeshu ku noolayd aad ayuu uga fogaa dhul beereedka iyo badda laga kalluumaysto marka laga reebo qayb reerka ka mid ah oo ka ag-dhawayd xeebta Garacad ee Badda Hindia (Indian Ocean) hase yeeshee ay ka maqnayd aqoon-xirfadeedkii iyo dadaalkii ka manaafacaadsiga badda taa ayaana ugu wacanayd in ay ka qadaan khayraadkaa dabiiciga ah.

Reerku wuxuu xaaladdaa reer miyinnimada ama reer-guuraannimada ah ku sugnaa ilaa laga soo gaaray sannadihii 1900 ilaa1960kii muddadaasoo ku aaddanayd sannadihii uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan bilaabay halgankii xornimo doonka Soomaaliyeed ka dib soo galitaankii Soomaalia ee gumaystayaashii reer Yurub (European colonialists), sii xoogaysigii halgankii xornimo doonka Soomaalida ee SYL ee 1940meeyadii, xukuumadihii daakhiliga ilaa xornimo qaadashadii Soomaalia ee 1960.

Xubno ka dhashay beeshu waa ay ka qaybqaateen halgankii la dagaallanka gumaystayaasha iyo ku biirista xisbigii SYL ee gobannimo doonka.

Xilliyadaas waxaa bilawday dhaq-dhaqaaq ay dad badan oo reerkan ka tirsani ugasoo hayaamayeen miyiga una soo guureen tuulooyin iyo magaalooyinkii sida Gaalkacyo, Boosaaso, Garoowe iyo magaalooyin kale sida Dhuusamareeb, Beled-weyne, Baydhabo (Buraashadley), Kismaanyo ilaa Muqdisho halkaasoo ay uga bilaabatay nolosha reer magaalnimada, ganacsiga, waxbarashada iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka Soomaaliya.

Sidee ayuu ahaa xiriirkii jifiyiha CM Saleebaan waayadaas

Jifiyaha reerka waxaa ka dhexeeyey derisnimo iyo in ay iska kaashadaan noloshii adkayd ee xoolo daaqsiga, biyo dhaansiga, ceelal qodashada, la dagaallanka habar dugaagta iyo beelaha ay xad-wadaagga ama dariska yihiin oo mararka qaarkood laysku qoonsado biyaha iyo daaqa xoolaha.

Marxaladihii ay Beeshu soo martay qiyaasta labadii qarni ee la soo dhaafay

Beesha CMS weligeed ma yeelan nidaam qoran iyo maamul noocuu doonaba ha ahaadee muddadaa kor ku qoran ilaa maanta.

Beesha CMS ma yeelan oday beeleed u dhigma kuwii aan kor ku soo xusnay ee beelaha kale ee Soomaaliyeed 

CMS waxaa laga dhex maqlay erayga ama magaca “islaan” oo micnihiisu yahay “oday”.

Magaca islaan waa magac asluubeed guud oo ka dhexeeyaa ragga iyo dumarka oo lagu xurmeyo da’ dooda waayeelnimo darteed waxaana labka iyo dheddigga lagu kala soocaa oo kaliya qodobka (article) asagoo ninka ama odaygu noqonayo “islaan-ka” halka qofta dumarka ee cuslaatayna ay noqonayso “islaan-ta”.

Micnaha eraygu ma aha “Islaam” ama magac ka yimid muslinnimo sida ay khalad ama aqoon la’aan darteed ugu fahamsan yihiin dad aan garan micnaha erayga.

Sidaa darteed, magaca loo bixiyo ninkii ay hadba jifidiisu farta ku fiiqdo wuxuu islaan oo ka dhigan odayga beesha u ahaa hadba ciddii u aqoonsan odaynimada.

Haddii uu geeriyoodo ninkii ku magacawnaa islaan waxaa magacii ka dhaxla wiil uu dhalay, magacaasoo xeer iyo nidaam maamul midkoodna ka qaawan.

Xil iyo magac midkaad u bixisaba, ma aha mid ay bulshadu xulato ninka ku habboon odaynimada balse waa mashruuc uu hal qof leeyahay.

Sida kor ku xusan hore uma jirin haddana ma jiro xeer ama dastuur qoran oo qeexaya ama tilmaamaya in uu xilkaasi yahay dhaxal hase yeeshee wuxuu ilaa hadda ku socdaa isaga dayasho ama sida ay carabtu tiraahdo “innaa wajadnaa aabaa’inaa” ama waxaannu ka soo gaarnay aabbahayo waana halkaa meesha nimankii qaabkaa aan saldhigga lahayn ay ku ilma korsan jireen kuna cuni jireen hantida dad kale ayagoo ku qaraabanaya magaca “soo-jireen”.

Sida kor ku tilmaaman, xilka islaan-ku waxa uu sannadahaas Beesha CMS uga dhignaa kan ay Soomaalidu maanta u taqaan “nabad-doon” ninkaasoo xilkiisu yahay inuu magta iyo qaaraanka kale uruuriyo, inuu xalliyo khilaafaadka ka dhex dhaca xubnaha jifidiisa iyo beelaha kale iwm.

Hore iyo dib midna uma jirin ama uma dhicin qiimayn ama baaritaan lagu sameeyay in uu ninkaasi u qalmo inuu beel hoggaamiyo lagana baarayo:

  1. xag caqli ama garasho,
  2. aqoonta iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka
  3. aqoon mabaadii’da caddaaladeed mid diimeed iyo mid madani,
  4. inuu dambiile yahay ama fal dambiyeed ku lug yeeshay,
  5. inuu yahay ama noqon karo aabbe qoys oo fiican (good father of family)
  6. inuu yahay nin akhlaaq iyo dhaqan suubban ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo gaar ahaan tan degaankiisa.

Ilaa hadda ma dhicin in nin loo magacaabay xilkaas islaan-ka oo la mariyey qiimayntaas (assessment). Waxaanna sidaasoo kale ilaa maanta aan la qiimayn nin kasta oo xilkaa ka dhaxlay aabbihiis.

Magacaabista ama far ku fiiqista ninkaan xilligii uu baxay magacaasi oo ku aaddanayd qiyaastii boqol sano ka hor, Beesha CMS waxay ahayd dad aad u tiro yar, reer miyi ah kuna noolaa nolol adag sida aan kor ku soo sheegay.

Boqol sano ka hor Beesha CMS kama badnayn konton ilaa boqol qoys oo ahaa durriyaddii ka farcantay Odaygii Cumar Maxamuud Saleebaan kuna wada noolaa degaan isu dhow, tiro yaridaa darteedna, beeshu umaba baahnayn nabad-doonno badan.

Qof dumar ahi weli xilkaa odaynimo uma qaban reerka hadduu jiri lahaana waxaa lagu magacaabi lahaa (Islaan-ta) hase yeeshee dumarku kumaba jirin ilaa haddana kuma jiraan tiro-koobka xubnaha Beesha nasiib darro waxaana tusaale kuugu filan in marka uu reerku bixinayo diyada ama magta la tiriyo ragga oo kaliya.

Xilligii la bilaabay magaca islaan-ka, tirada guud ee reerkani aad ayay u yarayd kamana badnayn jifida maanta ugu tirada yar Beesha.

Sidii aan kor kusoo xusnay, ma jirin xeer qoran oo loo dhigay xil ama hawl-maalmeed (job description) loo qoondeeyey islaan-ka laga soo bilaabo xilligii magacaa laga dhex maqlay Beesha CMS dhexdeeda ilaa maanta.

Ninkaani malaha xafiis dadwayne ama cinwaan loogu soo hagaago oo aan ka ahayn hoyga uu deggan yahay.

Cidina ma hayso warbixin xilliyaysan oo ku saabsan wixii ay bulshada Beeshaan u qabteen nimankii isaga dambeeyay magaca islaan-ka.

Cidina ma hayso ficil ama tillaabo waxqabad noocay doonto ha noqotee ee ay nimankani ka qaadeen ama ka fuliyeen bulshadan Beeshan (ha ahaado midka wakhtigan jooga ee ay dadka qaarkiis ku magacaabaan islaan iyo kuwii ka horreeyey midkoodna).

Ninka xilligan ay jifidiisa hoose ugu yeerto islaan Bashiir iyo kuwii uga horreeyey magacaan midkoodna laguma maqal in ay leeyihiin xirfad shaqo oo ay ku dabbaraan noloshooda iyo nolosha qoyskooda.

Su’aashuna waxa ay markaa tahay, xaggee ayuu dhaqaaluhu ka soo galaa nimankaan?

Runtu waxa ay tahay in ay ku dul noolyihiin dadka aqoonta yar ee loo fahamsiiyey in ay islaan-ka fadhigiisa ugu geeyaan lacag, guryo u dhisaan, gawaari qaali ah u iibiyaan, xoolo nool iyo hanti kalena siiyaan si uu ugu duceeyo oo ay barako uga helaan.

Taas micneheedu waxa uu yahay in uu ninkaan oo aan waligiis shaqayn uu bulshada Beeshaan ee saboolka u badan uu ugu dul noolyahay si xaqdarro ah oo uu ku yahay dulin (parasites).

Tirada shacabka Beesha Cumar Maxamuud Saleebaan aad ayay u korortay

Tirada dadka Beesha CMS ee wakhtigaani boqol jibbaar ayay ka badan tahay tiradii boqol sano ka hor sidaa darteedna waxay Beeshu u baahan tahay talo qoto dheer oo dib loogu saxayo dibna loogu dhiso.

DIBU SIXITAANKA BEESHA

Ujeeddada cinwaanka kore waxa ay tahay ama tilmaamaysaa isla markaana ku baaqaysaa baahida loo qabo in si qoto dheer loogu sameeyo dibu sixid iyo dibu-dhis Beesha CMS si wax looga baddalo qaab nololeedka dhalanteedka ah ee ay Beeshu ku sugan tahay xilli taariikheedkan.

Intii aannu ku jirney baaritaanka iyo soo ururinta macluumaadka  ku jira qoraalkan, waxaannu fursad u helnay in aannu helno macluumaad lagu kalsoonaan karo ka dib kulammo aannu la yeelannay  saaxiibbo badan ee  aannu ku leennahay jifiyaha Beeshaan kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar waxgarad iyo waayo aragba ah iyo aqoon-yahanno badan ee ku kala nool dalka iy dibeddaba kuwaasoo ay dhammaantood u caddahay iskuna raacsan baahida loo qabo in la saxo kala daadsanaanta baahsan iyo walaahowga ay sannado badan la kuf-kacaysey Beesha Cumar Maxamuud Saleebaan saxitaankana laga bilaabo in la baabi’iyo lagana takhalluso darajo odayeedka islaan-ka.

Waxaa jira saddex qaybood oo ka mid ah dadka ku abtirsada Beesha CMS hase yeeshee aysan qaarkood nasiib darro u muuqan qaarna aysan danba ka lahayn dhibaatada haysata Beesha. Saddexda  qolo waxay kala yihiin:

  1. Kuwo iyagu lahaystayaal u ah dano riqiis ah oo iyaga u gaar ah
  2. Kuwo qaayibay nidaam xumida oo ay dhaqan u noqotay, iyo
  3. Kuwo uusan garaadkoodu tusin in ay wax ka khaldan yihiin Beesha.

Cinwaanka mawduucani waa mid aannu u xulnay inuu ku habboon yahay ka hortagga jaha-wareerka ay Beesha CMS ku soo jiitamaysay muddo dheer ilaa imminkana ay ku sugan tahay ayadoo xaaladdeedu ay ka sii darayso sannadba sannadka ka dambeeya.

Haddii aysan beeli lahayn mabda’ laga dab-qaato oo marjac u ah dadka kulmiya beeshaas, waxa ay nolosha dadkaasi noqonaysaa mid ku dhisan khiyaali.

Bulsho ama beel kasta ee ku nool qaab nololeed khiyaali iyo fawdo ah ee aan ku salaysnayn nidaam caddaalad bulsho (social justice) oo ah caqiido diini ah iyo mid madani ah toona waxaa u dambaysa kala daadsanaan, dibudhac dhaqan-dhaqaale ka dibna burbur.

Ujeeddada Dibu Sixitaanku waa in dawo dhab ah loo helo jaah-wareerka iyo dhalanteedka ay Beeshu ku sugantahay wakhtigaan waxaana sixitaanka laga bilaabayaa:

  1. In Mugdigii muddada dheer lagu jirey lagu baddalo ilays iyo nuur
  2. In Beenta iyo khiyaaliga lagu noolyahay lagu baddalo runta iyo xaqiiqada
  3. In laga takhalluso oo la baabi’iyo magaca islaan-ka kaasoo dibu-dhac maahee aan weligiis horumar keenin mustaqbalkana laga sugayn iyo
  4. In Beesha laga badbaadiyo magaca islaan oo ah mid sii kala fogaynaya

 Qodobbada kore iyo kuwa hoose ayaa qiil u ah in aan loo baahnayn sii jiritaanka magacii ama xilkii loo yiqiin islaan-ka Beesha CMS.

Sidii aan kor kusoo xusnay, aragtidayadu waxa ay tahay, in ay Beeshani hurdada (lethargy,  letargo,  سبات ) ka kacdo una baahan tahay in ay deg-deg uga baxdo, uga xoroowdo ugana biskooto caddaalad darradaas, ilbaxnimo xumidaas, aqoon-xumidaas, wakhti-lumiskaas iyo isla-waynida beenta ah ee ay Beeshu ku nooshahay qarnigaan 21aad.

Qodobbada hoos ku qorani waxa ay muujinayaan ama sii xaqiijinayaan, in xilkii islaan-ku gabi ahaan qiimo beelay:

  1. Xilkii islaan-ku wuxuu tartiib-tartiib ku wareegay kan maanta ay Soomaalidu u taqaan Nabad-doon waxaana taas keenay iyadoo ay tiradii jifiyaha Beesha CMS badatay ama kobocday lagana maarmay in uu xilkaasi ku koobnaado hal nin maadaama ay baahidii ka ballaaratay.
  2. Waxaa taa sii xoojiyay in xubnihii ama jifiyihii reerku ay ku fidaan kuna ballaartaan Gobollada Soomaaliya iyo waliba dalalka shisheeye.
  3. Laga soo bilaabo xornimo qaadashadii Soomaaliya waxaa nimankii ku magacawnaa islaan-ku ay si buuxda jeebka ugu galeen xukuumaddii rayadka ee 1960kii ilaa 1969kii; (marka laga reebo tii Millatariga ee 1969 ilaa 1991 markaasoo ninkii waqtigaa lagu magacaabi jiray islaan Cabdille uu Gaalkacyo ka baxsaday ama ka cararay una galay jabhaddii qaran-dumiska ahayd ee SSDF oo midiidin u noqotay taliskii Mingiste ee Itoobia oo ah cadowga kowaad ee Soomaalida milishiyadaasoo uu hoggaaminayey dagaal-ooge Cabdullaahi Yuusuf Yeey oo uu islaan Cabdille adeer u ahaa).
  4. Islaan Cabdille waxa uu ilaa uu ka geeriyooday si buuxda jeebka ugu jirey daacadna u ahaa dagaal oogihii Cabdullaahi Yuusuf ee uu adeer u ahaa kaasoo kali taliye ka noqday Puntland markii la aasaasay 1998 ilaa 2003di
  1. Bashiir Cabdille oo magacii islaan-ka ka dhaxlay aabbihiis Cabdille ayaa sidii aabbihiis adeege buuxa u noqday dagaal ooge Cabdullaahi Yeey ilaa uu dagaal-ooge yeey ka geeriyoodo 2012kii. Daacadnimada indha la’aanta ah ee ay nimankaa isdhalay siiyeen dagaal ooge yeey waxaa inooga filan in aynnu xusno labadaan dhacdo:
  2. Islaan Cabdille wuxuu Isimmadii Puntland u saxiixay go’aan ay ka gaareen Cabdullahi Yusuf iyo Maxamed Abshir Muuse oo isku haystay hoggaankii SSDF iyagoo Maxamed Abshir u oggolaaday inuu xilkaa sii hayo. Islaan Cabdille wuxuu sidaasoo kale isla wakhtigaas u saxiixay Cabdullahi Yusuf inuu yahay hoggaamiyaha xaqa ah ee SSDF.  Taasi waxay noqotay fadeexo dhalisay in ay Isimmadii reer Puntland aqoonsigii kala noqdaan islaan
  3. Bashiir islaan Cabdille wuxuu si dadban uga qaybqaatay oo dagaal-ooge Cabdullahi Yusuf Yeey si buuxda ugu raacay dilkii Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud (Hurre) isla maalintii uu dagaal-ooge Yeey ku dilay Suldaanka Tuulada Kalabayr ee Gobolka Nugaal isaga oo ku dhex jira gaarigii uu watay oo taagan meel ay shacabkii Tuuladu ku soo dhowaynayeen Suldaanka.  Ciddii u baahan qaabkii uu dilkaasi u dhacay iyo goobtii uu ka dhacay haka baaraan Websiteka SHHR (Suldaan Hurre Human Right).
  4. Waxaa halkaa ka muuqata in ay nimankaasi khatar ku ahaayeen ammaanka iyo jiritaanka Beesha mar haddii aysan waligood ka shaqayn wax danaha reerka ah hase yeeshee ay taa baddalkeed la safteen lana shaqaynayeen daacadna u noqdeen dagaal-ooge qaatil ah oo u arxan daran shacabkii ay sheeganayeen in ay u yihiin odayaal ayagoo aan dan ka lahayn dulmiga iyo dibin-daabyada shacabka marba haddii uu dagaal ooguhu si musuq-maasuq iyocaddaalad darro ah iyaga xigtonnimo u siinaya oo ugu naas-nuujinayey hantidii danta guud .
  5. Waa marag ma doonto in ninka xilligaan nool ee lagu magacaabo islaan Bashiir iyo aabiis Cabdille oo ahaa kii magacaan uga horreeyey ay labaduba caan ku yihiin caddaalad darro, eex iyo waxqabad la’aan. Qofkii haddaba doonaya inuu wax ka ogaado eexda iyo caddaalad darradaas ay ku dhaqmeen nimankaasi waxa uu si fudud ku heli karaa isagoo sameeya baaritaan madax bannaan.

Isbaddalka nuxurka leh ee dib u sixitaanka Beesha CMS

Isbaddalka Beeshu waxa uu nasiib wanaag ku bilawday 4da qodob ee kala ah:

  • In ay Jifiyaha beeshu magacawdeen midwaliba odaygeeda
  • In Jifiyuhu ay yeesheen xeer qoran oo ay ku dhaqmaan mustaqbalka
  • In ragga ay xusheen ay yihiin jaamiciyiin ah ama u badan mana dhisan xagga aqoonta diinta Islaamka iyo madaniga isla markaana lagu qanacsanyahay in ay ku sifoobeen shuruudaha xilkasnimo ee qofnimo ee hoos ku qoran, iyo
  • In ay ka leexdeen dhaqankii kali taliska ee ahaa in odaygu uu yahay dhaxal

Qodobka Kowaad: Jifiyaha Beesha oo sababaha kore dartood bilaabay in ay ka tashadaan magaca islaan oo dhibaato mooyee aan dheef u lahayn beesha waxa ay mid waliba magacaabatay nin u noqda oday ama hoggaan dhaqameed. Jifiyuhu waxa ay mashruucaan bilaabeen 1980kii oo hadda laga joogo 40 sano, fadlan hoos ka eeg sida ay Jifiyuhu ugu kala horreeyeen magacawga odayga waxaana ilaa hadda magacaaban shanta oday ama Isim sida hoos ku qoran kuwaasoo ay mid kasta Jifidiisu siisay darajo xushmadeedka ku hor qoran.

Qodobka Labaad: Jifi kastaaba waxa ay yeelatay xeer qoran oo lagu dhaqo guud ahaan jifida iyo gaar ahaan qaabka xulitaanka iyo caleemo-saarka odayga iyo sida uu u hawl galo ama u shaqeeyo.

 Qodobka Saddexaad: Badi jifiyaha Beeshu waxa ay ka leexdeen oo qaaddaceen qaabkii kali-talisnimada islaan-ka ee ahayd in odayga jifidu uu yahay dhaxal uu ka dhaxlay aabihiis markaana lagu andacoodo aabbahay ayaan kasoo gaaray iyo “waa soojireen”. Xikmadda ka dambaysaa in laga leexdo dariiqaa khaldani waxa ay tahay, in aanu beesha ama jifida hoggaamin nin ka arradan garaadka, aqoonta, caqliga, caddaaladda iwm oo markaa cimaamad ama shaal garabka saarta waayo aabihiis ayuu ka dhaxlay inuu reerka oday u noqdo isagoo aanay cidina marsiin qiimayn (assessment) waayo maba jiro xeer beesha u yiil oo sidaa faraya.  Aragtida uu qodobkani xambaarsan yahay waa mid runtii horumar ah dad badanina u riyaaqeen.  Nidaamkan waa mid lagu nasakhayo in uu beesha hortaagnaado qof aanay maskaxdiisa ka soo baxayn wax nuxur leh ee ay tahay in wixii afkiisa kasoo baxaba loo qaato sidii wax muqaddis ah wixii laga dheefaana ay tahay uun dambi iyo hungo. Wax-ku-oolnimada is bad-baddalka hoggaanku waxa ay tahay iyada oo odayga ama hoggaanka cusubi uu la imanayo maskax cusub iyo sixitaan khaladaadkii uu galay odaygii ka horreeyey. Oday kasta ee cusubi waxa uu ogyahay in uusan ahayn like meesha ka baxay hase yeeshee la baddalayo goor ay noqotaba uuna insha Allaah wax u qaban doono “waari mayside war ha kaa haro”.  Doorashada odayga cusubi waxa ay dhacaysaa marka uu kii hore xilka ka dago sabab kasta haku timaaddee.

 Hoos waxaa ku qoran Odayaasha ama Isimmada ay magacawdeen shan (5) Jifiyood ee Beesha CMS ahna kuwo si buuxda ugu madax bannaan cid kalena aan la hoos tagayn hoggaan dhaqameedka Jifiyahooda halkaana uu uga haray magacii islaan-ku:

J i f i d a:              Darajo xushmadedka Isimkooda:

  1. Cabdi Ciise            Garaad
  2. Maxamed Cumar   Suldaan
  3. Reer Khalaf Amiir
  4. Reer Xirsi              Fiqi
  5. Reer Maxamed Faarax Imaam

Waxaa iyaguna jidka ku soo jira in ay hoggaan magacawdaan jifiyaha kale ee Reerka oo ay ka mid yihiin: Ibraahim Cumar, Yoonis Cumar, reer Cabdille, reer Mahad iyo kuwo kale.

Talooyin kooban ayaan ugu deeqaynaa Isimmada Jifiyaha sharafta leh ee kor ku qoran iyo kuwa kusoo biiri doonaba annagoo ku dadaali doonna in uu qoraalkani idin soo gaaro insha Allaa.

Annagu idiinkuma hambalyaynayno xilalkaan ay idiin dhiibteen idinkuna aammineen Jifiyihii idin doortay. Taa baddalkeedse, waxaannu u hambalyaynaynaa Jifiyaha kuwaasoo nasiib u yeeshay in aad ugu shaqaysaan si bilaash ama (free) ah.

Waxaannu idiinkuu ducaynaynaa in uu Allaah idiin fududeeyo oo towfiiqda idin waafajiyo si aad u gudataan xilalkaa culus.

Si aad ugu guulaysataan xilkaan culus ee aad u qaaddeen Jifiyihiinna walaalaha ah, waxaa lagama maarmaan ah in aad jeexdaan qorshe ama nidaam wada shaqayn iyo iskaashi ah oo nasiib darro ay ilaa maanta ka oommanayd Beesha CMS waxaana ka mid noqon kara aragtidannada:

  1. Xeer ama dastuur aad isku raacsan tihiin loona bandhigo oo loo akhriyo waxgaradka Jifiyaha
  2. Qodobka kowaad ee xeerkani waa inuu noqdaa ku dhaqan buuxa ee Shareecada Islaamka
  3. La taliyeyaashiinnu waa in ay noqdaan oo kaliya guurtida Jifidiinna ha ahaato danaha Jifida ama xiriirka iyo wax-wada-qabsiga kala dhexeeya Jifiyaha kale ee Beesha iyo beelaha Soomaaliyeed degaanka.
  4. Talada nala habboon ee aannu idinku taaran lahayn waxa ay tahay, in aad 100% u madax bannaan tihiin hoggaaminta Jifiyihiinna kumase talinayno in aad cid kale ama xil dhaqameed kale kasoo amaahataan ama kasoo mindhuurisaan qaabkii loo maamuli lahaa Jifida ama Jifiyihiinna.
  5. Haddii aysan sidaa ahaateen, haddee loomaba baahnaadeen magacaabistiinna waxaannuna is leennahay in dhisitaanka xafiisyadiinna iyo magacaabistiinnu ay tahay baahi wayn oo ay Beeshu u qabtay muddo dheer.
  6. Isimmadu ma aha siyaasiyiin hase yeeshee xil ayaa ka saaran in ay dabagalaan waxna ka qabtaan haddii lagu xadgudbo xuquuqda shacabka ay odayaasha u yihiin haddii ay mas’uuliinta maamullada dawliga ahi, mid goboleed iyo mid dhexeba ay ka gaabsadaan waxkaqabashada tabashada shacabka.
  7. Waxaad u baahan tihiin in aad yeelataan xafiis ama xarun maamul oo leh xoghayn, cinwaan, telefoon iyo email ay idinkala soo xiriiraan xubnaha Jifiyaha Beesha ee xilka idiin dhiibtay.
  8. Waa in aad yeelataan kulammo wakhtiyaysan oo dhaca ugu yaraan labo jeer sannadkiiba iyo haddii loo baahdo kulammo degdeg ah (extraordinary meetings).
  9. Shir guddoonka kulammadiinnu waxay noqon karaan qaab meerto ah sida b) in uu kulan kasta guddoomiyo hal Isim ama t) inta u dhaxaysa 6 bilood ilaa 3 sanaba uu guddoomiye noqdo hal Isim ayadoo la raacayo qaabka meertada.
  10. In xuquuqaha, fursadaha (opportunities) iyo waajibaadkaba si caddaalad ah oo lagu wada qanacsan yahay loogu qaybiyo Jifiyaha walaalaha ah.

Qodobbada kor ku qoran oo ah tusaale kaliya, oo aan aamminsannahay in aad madaxa ku haysaan ama kaba hawl gasheen, waa in ay ku qoran yihiin oo ku cad yihiin xeerka ama dastuurka.

Haddii aynnu qaabkaa casriga ah ku shaqaynno, waxaannu aad ugu kalsoonnahay in beeshu noqon doonto mid ay beelo badan oo Soomaaliyeed uga dayan doonaan tillaabooyinkaa habboon.

 Ninka lagu magacaabo islaan-ku waxa uu ka soo jeedaa oo ka dhashay Jifida rer Mahad ee CMS.

Sababta aan halka ugu xusayno jifida reer Mahad ee ay uga duwan yihiin kuwa kale ee aan weli magacaaban hoggaan sida Yonis Cumar, Ibrahim Cumar, reer Cabdille iyo kuwo kale waxa ay tahay in si cad  loo ogaado:

  1. In reer Mahad iyo jifiyaha kale ee Beeshaba ay u caddaato ujeeddada loo soo jeediyay iyo danta laga leeyahay qoraalkaan;
  2. In laga yaabo, in qayb ka mid ah xubnaha jifida reer Mahad ay weli aamminsan yihiin in uu ninkaani (waa islaan-kee) uu oday u yahay dhammaan Beesha Cumar Maxamuud Saleebaan;
  3. In ay Jifidu dariiqa ku soo jirto oo ay ku maqan tahay xulashada ninkii ay hoggaan ka dhigan lahayd sida jifiyaha kale ee Beesha.

Haddii ay Jifida reer Mahad ku taagan yihiin xaaladda qodobka 2aad oo ah in uu ninkaani oday u yahay C M oo dhan, taasi waa nasiib darro maadaama:

  1. b) Magacaan lagu sheegi jirey mid u dhexeeya Cumar Maxamuud oo dhan sidaa darteedna aysan iyagu (waa reer Mahade) aysan mabda’ ahaan ka xigin ama ka xigsan karin Jifiyaha kale ee Beesha, iyo
  2. t) In uuba magacaasi iyaga ku soo haray wakhtigaan maadaama ay 90% Jifiyaha kale

ee Beeshu ay si ficliyan ah u magacawdeen odayaashooda ama hoggaamiyeyaashooda ayagoon ogaysiin, talo iyo fasax midnana waydiisan ninkaas lagu magacaabo islaan-ka, aabbihiis oo magacaan uga horreeyey iyo Jifida reer Mahad midna.

 Jifida reer Mahad waxay xaq u leedahay in ay doortaan hoggaamiyahooda sida Jifiyaha kale. Sidoo kale, waxay xaq u leeyihiin ama u madax bannaan yihiin in ay hoggaamiyahooda u bixiyaan magaca ay doortaan oo noqon kara magaca islaan haddii ay doonaan ama ay jecel yihiin walow ay ku habboonaan lahayd in ay xushaan magac la jaan-qaadi kara nolosha casriga ah ee bulshada kana guuraan kii islaanka oo sidaan kor ko soo sharraxnay aan dibudhac iyo caddaalad xumi maahee aan lagu xasuusanayn wax faa’iido ah.

Waxaa intaa dheer oo akhristow kugu filan in haddii magacii islaan-ku uu waxtar u sii yeelan lahaa Beesha Cumar Maxamuud, in aan looba baahnaadeen in ay Jifiyaha kor ku xusan ee CM ay magacawdaan Hoggaamiyeyaal u khaas ah jifiyahooda kana madax bannaan ama aan hoos imaanayn magacii laga diga-rogtay ee islaan-ka.

 DIBU DHISKA BEESHA

Dibu dhiska bulsho ama beel kasta oo doonaysa in ay sharaf iyo nidaam habboon ku noolaato waxa uu ka bilawdaa xeer qoran oo lagu dhiso Hoggaankeeda (Constitution).

Dhismahaani waa uu u bilawday Beesha waxaana u haray dhammaystir buuxa.

Xaggee laga bilaabaa qaabkeese ku habboon in beel loo magacaabo hoggaan

Kor waxaannu uga soo hadalnay in uu reerku ballaartay kuna fiday shanta qaaradood ee dunida isla markaana uusan shakhsiga wakhtigaan dadka qaar ku magacaabo islaan uusan xog, war iyo wacaale toona ka hayn xiriirna la lahayn beeshaa ballaaratay.

Xaqiiqdani waxa ay markaa xoojinaysaa in si kama dambays ah loo baabi’iyo magac islaan oo ka dhexeeya Beesha CMS halkaana uu ku haro oo laga takhalluso maadaama sii jiritaankiisu uusan ku fadhiyin xikmad.

Maxaa markaa xal ah oo lagu baddalayaa xilkaas magac u yaalka ah?

Beeshu waxa ay ka kooban tahay Jifiyo tobaneeye ah ee ka farcamay wiilashii uu dhalay Awoowe Cumar Maxamuud Saleebaan (Raximahullaah) oo kala ahaa:

  1. Maxamed Cumar
  2. Ibraahim Cumar
  3. Yoonis Cumar
  4. Cali Cumar
  5. Isaxaaq Cumar iyo
  6. Xubno kale ee halka ka maqan

Walaalahaan ayaa markooda u sii kala baxay Jifiyo iyo Jilibyo hoosaad badan.

Haddaba, halka laga bilaabayo magacaabista Hoggaanku waa Jifida oo ilaa hadda aynnu aragnay in shan ka mid ahi ay bilaabeen kuna guulaysteen maantana ay leeyihiin Hoggaan u xilsaaran una madax bannaan xallinta danaha Jifidii dooratay.

Qaabkee ayay Jifidu u xulanaysaa Hoggaan ku habboon?

Qaabka ku habboon xulashada iyo doorashada hoggaanka suubbani waa shuruudaha hoos ku sharraxan oo u kala baxa shuruudo guud iyo kuwo qofnimo ee laga doonayo inuu ku sifoobo shakhsiga Odayga ama Hoggaanka noqonaya.

 Shuruudaha Guud iyo kuwa Qofnimo ee laga doonayo inuu ku sifoobo Hoggaanku.

 Shuruudaha Guud:

  1. Waxaa Hoggaanka laga xulan karaa jilib hoosaad kasta ee ka mid ah Jifida tusaale: (Reer Xirsi waa Jifida halka reer Axmed Xirsi uu noqonayo jilib). Waxaa kaloo xulashada loo marayaa haddii ay Jifidaasi leedahay qaab u khaas ah ee ay wax ku qaybsato tusaale: Maxamed Cumar waxay wax ku qaybsadaan Saddex Xarig ilaa imminka.
  2. Hoggaanka Jifidu ma noqon doono dhaxaltooyo ay leeyihiin wiilasha uu dhalay odayga ama hoggaanku, xubnaha qoyskiisa hoose ama jilibka uu ka dhashay midna
  3. Wuxuu Hoggaanku xilka haynayaa, insha Allaah, ilaa iyo muddada uu hanan karo mas’uuliyaddiisa waxaana la baddalayaa marka uu si kama dambays ah u gudan waayo xilkiisa sabab kasta ha ku timaaddee sida geeri, caafimaad xumo, xabsi daa’in, asagoo la waayey (lumay) muddo afar sano ah iyo isagoo xilka laga qaaday ama iskiis isaga casilay Golaha jifiduna ka aqbalay
  4. Haddii nidaamkaan kore la raaco, Hoggaanka waxaa qaab lagu wada qanacsan yahay looga xulan karaa qaybaha ay ka kooban tahay Jifidu ka hor inta aan la magacaabin.
  5. Guddiga ama guddiyada loo xilsaaro xulashada ragga u qalma Hoggaanka Jifida ayaa waxaa xilkoodu yahay in ay si ka fiirsi qoto dheer ah tooshka ugu ifiyaan ugana baaraan degaanka in ay Jifida ka dhex raadiyaan shakhsi ku sifooba shuruudaha guud iyo kuwa qofnimo iyadoo haddii ay tartan ahaan u soo baxaan labo nin iyo wixii ka badan oo wada buuxiya shuruudaha kor ku xusan markaa loo dhigo sanaadiikh ay ku codeeyaan ergada u xilsaaran xulashada Hoggaanka.
  6. Laga bilaabo maalinta la caleemo saaro lana dhaariyo, Hoggaanka Jifidu kama tirsana jilib ama laf gaar ah ee uu sheegto ama iyadu sheegata, ku faanta ama ka xigsata jilibyada kale.

Shuruudaha Qofnimo Ee Hoggaanka waxaa ka mid ah

  1. In uu yahay lab ama nin
  2. Inuu u dhashay haystana ginsiyadda Soomaaliyeed hase yeeshee qabashada xilka Hoggaanka uma diidayso in uu haysto mid ama ka badan ee ginsiyado shisheeye.
  3. Haddii uu Hoggaanku lumiyo jinsiyadda Soomaaliyeed, si kasta ha ku lumiyee waxaa uu si toos ah ama (automatic) ah u waayayaa xilka hoggaanka ama odaynimada Jifida.
  4. In uu ka dhashay Jifidaas CMS (waxaannua taas hubinaya guddiga xulitaanka Hoggaanka)
  5. In Da’diisu u dhaxayso 40 ilaa 65 sano waqtiga la xulanayo
  6. In uu yahay nin Muslim ah oo wax ka yaqaan Diinta Islaamka uguna dhaqma si buuxda
  7. In uusan xaas/xilo ahaan u qabin haweeney ajnabi ah haddii aysan ahayn Muslimad (unless she is a Muslim) laga bilaabo marka loo magacaabo ilaa inta uu hayo xilka hoggaanka Jifida.
  8. In uu yahay nin ku sifoobay ama lagu yaqaan dhaqanka aabbo qoys ee fiican oo xaas walwaal ah (good father of family)
  9. In aysan ilaa qaan-gaarnimadiisii ku caddayn in uu galay dunuubta iyo falalka ay ka midka yihiin:
  10. b) dil bani’aadam oo ula kac ah
  11. t) dhac, xatooyo iyo/ama burcadnimo, musuq ama wax isdabamarin khiyaamo ah
  12. j) kufsi ama/iyo gogol dhaaf (rape and/or adultery)
  13. x) deyn uu inkiray ama/iyo lunsasho hanti ay cid kale leedahay
  14. kh) eex ama/iyo caddaalad darro
  15. In uu wax ka yaqaan dhaqanka, caadooyjnka iyo xeerarka suuban ee Soomaalida
  16. In heerkiisa waxbarasho uu yahay ugu yaraan Dugsiga Sare lagana sii jecel yahay in ay gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed
  17. In uusan qabin cudur halis ah oo ay taqaatiiri caddaysay in uu yahay mid aan dawo lahayn waqtiga xulashadiisa iyo waqtiga la caleemo saarayo
  18. In uu sumcad fiican ku leeyahay jilib hoosaadkiisa, Jifidiisa iyo Beesha CMS dhexdeeda waxaannua murashaxa tixgalin dheeraada u noqonaysa in uu qaddarin ku leeyahay beelaha kale ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dega Gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya ama Puntland iyo khaasatan beelaha dega Mudug ee dariska ama ood-wadaagga la ah CMS.
  19. In uu yahay nin jecel mudnaantana siiya caddaaladda, nabadda iyo dhawrista xuquuqul insaanka
  20. Waa tixgalin dheeraad ah in uu hoggaanku ku hadli karo luqado qalaad sida Carabiga iyo Ingiriiska taasoo muhim u ah kulammada uu la yeelan karo martida ajaaniib ah ama ay gasho dan iskaashi oo dani ugu jirto Jifidiisa ama/iyo CMS.
  21. Wixii kale oo caqliga suubban iyo caddaaladdu raacsiinayaan ama ku kordhinayaan qodobbada kore.

 Yaa dooranaya Hoggaanka?

Waxaa dooranaya guurtida ama waxgaradka jifida ayadoo xulashada odayga la waafajinayo xeerka  lagu xulo hoggaanka jifida iyo qaabka caleema saarkiisa.

Hoggaanka casriga ah ee Jifiyaha CMS waa inuusan noqon mid layska dhaxlo hase yeeshee uu noqdo mid waqtiga loo baahdo ay Jifiyuhu xushaan ninka buuxiya shuruudaha kor ku qoran.

Haddii ay jifidaasi leedahay dhowr jilib hoosaad, waxaa markaa uu xilku noqon karaa mid meerto ah haddii ay sidaa doortaan.

Hoggaan Jifiyeedka ama Isimmada Beesha CMS waxay noqonayaan kuwo siman oo uusan midna noqonayn mid ka awood sarreeya kuwa kale.

 Sidee ayay u wada shaqaynayaan Isimmada Jifiyaha Beesha CMS?

  1. Waxay wadajir uga shaqaynayaan danaha guud ee Beesha CMS sida iskaashiga ammaanka iyo gurmarka bani’aadamnimo marka loo baahdo
  2. Waxay yeelanayaan kulammo xilliyaysan
  3. Waxay yeelan karaan guddoomiye meerto ah ee shirarka ama waqti go’an sida hal ilaa shan sano
  4. Caddaalad wax u qaybsiga dhaqaale, siyaasadeed iwm marka loo baahdo
  5. Wada shaqayn ku dheehan is ixtiraam
  6. In ay yeeshaan Xoghayn joogto ah, Xafiis iyo Cinwaan sida telefoon iyo email
  7. Wixii kale oo maamul iyo caddaalad wanaag ah

Gunaanad:

Nuxurka qoraalkani waxa uu si khaas ah ugu wajahan yahay Beesha Cumar Maxamuud Saleebaan ee aannu kor uga soo hadalnay. Waa Beel hoosaad ka farcantay Qabiilka Majeerteen ee Daarood. Waxa ay Beesha oday-wadaag yihiin labada Beelood ee kala ah Cismaan Maxamuud Saleebaan oo dega Gobolka Karkaar ee ay magaalo madax u tahay Qardho iyo Ciise Maxamuud Saleebaan oo dega Gobolka Nugaal ee ay magaalo madax u tahay Garoowe isla markaana ah Caasimadda Puntland.

Akhristuhu waxa uu is waydiin karaa sababta aannu Beelaha Soomaaliyeed uga xulannay Dibu Sixidda iyo Dibu Dhiska Cumar Maxamuud Saleebaan. “majo dhooqo midba mar baa la bixiyaa”

 Sababaha hoose ayaannu ku qancinaynaa akhristayaasha:

  1. Aqoon durugsan ayaannu u leennahay Beesha Cumar Maxamuud Saleebaan marka la barbar-dhigo Beelaha kale ee Soomaaliyeed
  2. Aqoon kaliya kuma ekaane waxaannu ku samaynnay baaritaan qoto dheer
  3. Waxaannu Beesha ku leennahay saaxiibbo iyo qaraabo badan
  4. Waxaannu barbar dhignay beelo kale ee Soomaaliyeed marka loo eego hoggaan dhaqameedyadooda
  5. Waxaannu is barbar dhignay Odayaal beeleedyo badan iyo islaan-kii CMS marka la eego kartidooda, garaadkooda, waxqabadkooda iyo xiriirka uu mid waliba la leeyahay beesha uu odayga u yahay waxaana noo soo baxday heer hoosaadka aan la aqbali karin ee odaynimada islaan-ka oo runtii ihaano ku ah Beesha Cumar MS in uu ninkaasi usii noqdo oday
  6. Markii aannu Cumar MS barbar dhignay beelo kale, waxaannu waynay beel ay jifiyaheedu go’aansadeen in ay inqilaabaan oo gabi ahaan baddalaan qaabkii oday dhaqameedka kana xiriir furtaan oo meel iska dhigaan meesha-kama-tage-waxna-kama-tare oo ah islaan-ka.
  7. Waana middaas waxa aannu ugu tabarrucnay Beesha Cumar MS in ay ka takhallusto magaca islaan-ka walow ayba muuqato oo caddahay in ay Jifiyaha Beeshu qaadeen tillaabadii lagu afjari lahaa mashruuca islaan-ka taasoo ay ka dhabeeyeen markii ay jifi waliba magacaabatay oday ama hoggaan u maamula danahooda oo ka madax bannaan ninkaa (islaan-ka).

 Baaq ku wajahan Qabaa’ilka iyo Beelaha Soomaaliyeed

Aad ayay u fiicnana lahayd in uu beel kasta ee Soomaaliyeed ka hor dhaqaaqo oday ama hoggaan la mid ah islaan-ka CMS waxaannuna filaynaa in uu qoraalkani cashar u noqdo indhahana u furo dad kale oo qaada tillaabadan oo kale halkii looga baahdo gayiga Soomaaliyeed.

Waa ay jiraan degaanno dhowr ah ee aannu isha ku haynno hase yeeshee nooga baahan baaritaan dheeraad ah kana hawl gali doonno wakhtiyada soo aaddan haddii Allaah noo oggolaado.

 Wa Billaahi Towfiiq

Waxaa diyaariyay:

  1. Maxamed Shikh Maxamed
  2. Cabdalla Xaaji Warsame
  3. Murriyad Samantar Cawke

Khaliifyare06@gmail.com

F.G Shabakada Allbanaadir wax shaqo ah kuma lahan qormadan, waxa ayna gaar u tahay qorayaasha ku saxiixan