Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed delivers a speech behind a glass during a rally on Meskel Square in Addis Ababa on June 23, 2018. A blast at a rally in Ethiopia's capital today in support of new Prime Minister Abiy Ahmed killed several people, state media quoted the premier as saying. / AFP PHOTO / Yonas TADESSE

RW Itoobiya oo sii wada Xil ka qaadista Taliyaasha ciidamada, Taliyayaal la ceyriyey iyo kuwa la magacaabay

ADDIS ABABA(P-TIMES)- Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sii wada talaabooyinka dibu habeynta ama isbedelka loogu sameynayo laamaha ciidamada ee dalkaas, wuxuuna ilaa hadda mar kale ceyriyey Taliyaasha ciidamada Cirka iyo Howlgalka Difaaca, waxaana uu magacaabay Taliyayaal cusub.

Ra’iisulwasaare Abiy ayaa u magacaabay Jen, Yilma Meredassa in uu noqdo Taliyaha ciidamada Cirka ee dalka Itoobiya, waxaana xilkaas laga qaaday Jeneraal mudo dheer hogaaminayey, kana mid ahaa xubnaha saameynta ku leh siyaasadda ciidamada ee dalka.

Jeneraal Birhanu Jula ayaa loo magacaabay madaxa howlgalka guud ee ciidamada dalka Itoobiya, isagoo bedelaya Jeneraal mudo dheer soo hayey jagadan, kana mid ahaa saaxibadii ugu dhawaa ee xukunkii Meles Zanewi, isagoo horey uga soo shaqeeyey laamaha kala duwan ee ciidamadda.

Jen, Julla wuxuu ahaa madaxa Howlgalka Nabad Ilaalinta ciidamada Itoobiya ee kusugan dalka Liberia, waxaana uu saaxiib dhaw la yahay Ra’iisulwasaaraha hadda haya talada dalka Itoobiya.
Madaxa Saadka ama isku dubaridka howlaha ciidamada ayaa loo magacaabay LT. GEN. Molla Hailemariam  Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa labo todobaad ka hor shaqada ka ceyriyey taliyaashii awooda badnaa ee ciidamada Milateriga & Sirdoonka ee dalkaas, oo kamid ahaa kuwa aadka looga cabsado, waxaana dibu habeyntii cusub iyo sii wadida in uu xididada u siibo Taliyaashii hore ee ammaanka ay ka dhigan tahay talaabo uu damacsan yahay oo ah dhabaha Isbedelka ama Itoobiyada cusub.

Leave A Reply

Your email address will not be published.