Maxay ka dhigan tahay guusha Xildhibaaan Qaali Shire?

 

Warar Keydmedia Online

GAALKACYO, Soomaaliya – Qaali Cali Shire, ayaa wareeggii labaad ee doorashada, kursiga HOP#060, kaga adkaatay Ubax Tahliil Warsame, doorasho xiisa leh oo ka dhacday Koofurta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Qaali Shire, waxa ay shanti sano ee la soo dhaafay si weyn kaga soo hor jeedday, Farmaajo, waxayna xilliyo kala duwan si weynn u canbaareysay, Ubax Tahliil, oo baarlamaankii 10-aad, kursiga HOP#060, ugu adeegeysay kooxda waqtigu ka dhamaaday.

Haddaba, maxay ka dhigan tahay doorashadan? Maxayse la micno tahay guusha Qaali?

Kursiga HOP#060, wuxuu noqday kursiga kaliya ee si daah-furan loogu tartamo dhamaan kuraasta ilaa hadda lagu doortay Galmudug, sidoo kale, waa kursiga labaad ee si muuqata loogu loollamay guud ahaan doorashooyinka, kadib kursiga Xaaji Muuse Suudi.

Guusha Qaali Shire, waxay muujisay, jidka dalku qaadi lahaa, haddii doorashooyinku xalaal ahaan lahaayeen iyo in dhamaan shaqsiyaadka Farmaajo wato, aysan soo baxeen, haddii aan kuraasta loo xirin. Ubax, waxa ay sababsatay dagaalii ay kula jirtay dadkeeda.

Doorashada kursiga HOP#060, waxaa la oran karaa waa farriin ku wajahan Baladweyne, taas oo sheegeysa in shacabku diyaar u yihiin soo doorashada shaqsi wax gal ah iyo soo raacdeynta, kuwa Farmaajo kobaha u sida.

Beesha kursiga leh, sidoo kale, waxa ay muujiyeen, in Qoorqoor, lagula dhagi karo, kuraasta uu boobayo, la iska dhici karo, lagana adkaan karo, waxayna farriin hordhac ah u diren, Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac, oo Fahad ugu hoos jira in kursi loogu boobo Gaalkacyo.

Doorashada HOP#060, waxa ay ka marqaati kacday, in shaqsiga dulmiga u hiillaya iyo kan ka dhiidhiya, aysan isku darajo ahayn, Qaali, iyada oo aan xil heyn ayay afkeda ku difaacday dadkeeda iyo degaankeeda, halka Ubax oo xildhibaan ah ay danaheeda raacatay.

Habeenkii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ku duuleen degaanka Shiirkole ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Ubax waxa ay dadka degaankaas degggan, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta matela ku tilmaantay mooryaan, si ay u raalli galiso Farmaajo.

Ubax, waxa ay si weyn kaga soo hor jeesatay RW Maxamed Xuseen Rooble, waxa ay ka mid ahayd, xildhibaannadii muddada sharci darrada ah ku daray muddo xileedka Farmaajo, waxayna ugu horreysay haweenka u alalaasa, marka uu xafladaha tagayo.

HOP#060, waa kursiga kaliya ee Maxamed Xuseen Rooble, maal iyo muruqba ku bixiyay in uusan ku soo laaban xildhibankii hore ugu fadhiyay, wuxuu si xarago leh, kaga adkaaday Farmaajo oo doonayay inuu Ubax Tahliil, ku sii hayo, si ay ugu sii alalaasto.

KEYDMEDIA ONLINE

Leave A Reply

Your email address will not be published.