Qaali Cali Shire oo Xildhibaan loo doorta

    

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa  lagu doortay magaalada Gaalkacyo, waxayna ka guuleysatay Xildhibaan hore Ubax Tahliil Warsame, kadib doorasho adag oo wareeg labaad la isla aaday oo xalay ka dhacday MagaaladaGaalkacyo.

Kursiga ay Qaali ku guuleysatay ee HOP#060, oo golaha shacabka ku metela koonfurta Gaalkacyo, waxaa 8-dii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Ubax Tahliil.

Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega labaad ee doorashada, waxaa kursigaas guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61-cod, halka Ubax Tahliil ay heshay 40-cod

Afar musharax oo dhamaantood haween ah ayaa ku loolamay kursigaas, maadaama horay loogu asteeyey qoondo haween.

Sidaas waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada 5-tii korsi ee u horeysay doorashada kuraasta deegaan doorashada labaad ee Galmudug, waxaana ugu adkaa kursigaan caawa la doortay ee HOP060, kaas oo si furan ay ugu tartameen afar musharax oo haween ah.

Hoos ka eeg Posterka shanta xildhibaan ee Gaalkacyo lagu doortay

La wadaag cid kale

Leave A Reply

Your email address will not be published.