SHIRKA HOTEL DECALE V. DASTUURKA KU-MEEL-GAARKA AH

Qodobka 1aad. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(1) Soomaaliya waa jamhuuriyad Federaal ah, leh gobonimo, dimoqoraadi ah, oo ku dhisan matalaadda dadwaynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo cadaalad bulsho.

(2) Allahu subhaanuhu wa tacaalaa ka sokow (SWT), awoodda oo dhan waxaa iska leh shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaaya hay’adihiisa uu u xilsaaray si waafaqsan dastuurka iyo shruuucda dalka.

Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobanimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama u adeegsadaan si gaar ah.

(3) Gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan.

Marka la fiiriyo tarjumaadda qodobkaan “strict legal interpretation” koox gooni ah damac siyaasadeed u wado kuma xad-gudbi karaan qodobkaan dastuuriga ah.

Madaxda Dowladda iyo kuwa damac siyaasadeedka xun uu wado xitaa waxa ay garan waayeen in ay ixtiraamaan qodobka koowaad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah iskaba dhaaf in cutubyadiisa kale ay ixtiraamaan.

Haddaba, iyadoo dalka Soomaaliya uu leeyahay baarlamaan labadiisa aqal ka kooban, Madaxwayne iyo xukuumad fulin (executive branch) kana kooban r/wasaare iyo golihiisa xukuumadda in masiirka dalka go’aankiisa ay hormuud ka noqdaan koox siyaasiin ah ee horey ugu fashilmay siyaasadda dalka waa xadgudub lagu suubiyay qodobka 1aad ee dastuurka dalka.

Masiirka dalka iyo wax-ka-bedelka (amendments) lagu suubiyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimo iyo curintiisa waa mas’uuliyad ay u xil saaran tahay hay’adda sharci-dejinta (legislative organ).

Bulshada qaybaheeda kala duwan waa soo jeedi karaan in qodobo dastuuri wax laga bedelo, laakiin waa markii la raaco habraacyada ku xusan dastuurka ku-meel-gaarka ah, laakiin “maya” kooxo horey ugu fashilmay siyaasadda dalka in la siiyo tixgelin ama ra’yigooda la dabaqo waa dulmiga ugu wayn ee ka socda dalka.

Fadlan, ha la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah inkastoo ay wada fadhiid yihiin, hana laga waantoobo ha yaacdo, jaantaa-rogan iyo in koox kasta damaceeda xun hirgeliso, middaas ay runtii natiijadeeda noqonayso mid dalka ku hoggaamisa buurbur dowladnimo.

Badbaada Allah,

Avv. Khalif M Duale

Leave A Reply

Your email address will not be published.