Ninkii Talin Jiray Ayaa Talinaya: SULDAAN MAXAMUUD SULDAAN DUCAALE SULDAAN KAAHIYE MUXUMUD

Waxaa si xushmad iyo qadarin leh berri ee taariikhdu tahay 08/06/2023 loo ballansan yahay qabashada xafladda shaacinta koofi-saarka Suldaanka Guud ee Beesha Wuqujire Cawareere Sacad Siciid
Suldaan Maxamuud Suldaan Ducaale Suldaan Kaahiye oo Bari lagu qabanaayo
Magaalada Gaalkacyo.
Kadib markii uu dhintay allaha u naxariistee suldaankii ka horeeyay oo shaqadaas hayay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Maxamed Suldaan Ducaale.
Nabadoonada beelaha,
Waxgaradka, culumaa’udiinka, hooyooyinka, dhalinyarada iyo siyaasiyiintii beesha Wuqujire Cawareere Sacad Siciid ayaa iskugu Imaan doona
madasha berri 08/06/2023 lagu balansanyahay koofi-saarka suldanka cusub inshaa allah.
Waxaan ilaaheey ka baryaa in mas’uuliyadda iyo xilka culus ee loo igmaday suldaanka cusub in ilaaheey u fududeeyo.
Aamiin Aamiin. Aamiin.
May be an image of 4 people, dais, temple and text
www.mudug.com
All reactions:

Leave A Reply

Your email address will not be published.