Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Omar iyo Somalida.?(Hussein Jama Guudcade)

Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Omar iyo Somalida.?

Ka dib guushii Ilham Omar oo ah gabadh somaliyeed, waxaa warbaahinta caalamu siyaabo kala duwan u lafa gureen guusheeda iyo Somalidaba guud ahaan dhaqankooda.

Hadaba warbaahinta Carabta ayaa iyaduna doorkeeda xaga falanqaynta aan ka gaabsan ee si mugleh u qaadaa dhigay guusha Ilham iyo guusha Somalidaba.

Bogii aan akhriyey wuxuu yidhi RIDA ALXIMANah muxalil Carbeed : guusha ay gaadhay Ilhaam Omargaar ahaan iyo guud ahaan umada Somaliyeed ee nool Maraykan iyagoo mudo yar uun deganaa wadankaas waxaa sababay dhowr amuurood oo kala ah:

1-Somalidu waa dad isku kalsoon naftoodana kula dedaala inay Cizi iyo Sharaf ku noolaato.

2-waa dad maskax furan , ku dedaala goobta ay marba tagaan inay fahmaan dhaqanka ka jira iyo luqada lagaga hadlo waxaad arki odoyaal iyo dumar waawayn oo iskuulada ka xaadiraya iyagoo doonaya inay wax bartaan , waa dad fahmo badan laga yaabaa ninka somaliyeed inuu kugula hadlo dhowr luqood iyadoo wiilka carbeed uu la rafanayo luqadiisii hooyo. Taasi maaha wax ay la soo bexeen waqtigan casriga ah Somalidu ee waqtigii isticmaarka reer galbeedku waxay ogaadeen in Somalidu tahay dadka Africa kuwa ugu fiican ugu fahmada badan uguna il dheer sidaas darted bay kala boobeen wadankii Somaliyeed waqtigaas oo Koonfurta uu talyaani u qabsaday , waqooyigana Ingiriis iyo qaybta Kenya ee Somalida, Jabuutina France uu u qaatay. Waxay noqdeen ciidamadii waqtigaas gumaystayaashu ka qorteen somalida kuwa ugu fiican uguna dhiiran sida la soo sheeg

3-qofka somaliyeed ma noqdo qof jinsiyadiisa bedela ee wuu ku faanaa , magacooda ma bedelaan markay tagaan galbeedka diintoodana ma bedelaan way ku faanaan, ku kalsoon yihiin kuna dhiiran yihiin, ma noqdaan daba dhilif Mutamaliq ah ee waa isku kalsoon yahay qofka Somaliyeed. Qof kastoo Somaliyeed wuxuu ka fekeraa inuu wadan kiisii ku noqdo wadankooda way soo dhistaan oo horu mariyaan qurba joogtoodu uma shaqaystaan inay cunaan oo cabaan kuna noolaadaan galbeedaka ee waxay lacago tiro badan u diraan wadankooda si ay u maalgashadaan.

4-somalidu waa dad is xidhiidhiya oo qaraabo jecel qofka somaliyeed haduu qurbe ku arko qof somaliyeed oo kale wuxuu ka dhigtaa walaalkii duruufaha la soo gudboonaadana wuu la wadaagaa.

5- waa dad dhiiran somalidu , waxaa jirta in lagu maahmaahdo hada somalida dhiiranaanteed ma og tahay in Gobolkan Ukrian doonaya inuu ka go’o kooxda gooni u goosadku magacoodu u bixisay (Somali) ujeedada ay iskugu bixiyeena waxaa weeye waxaanu nahay dad geesiyiin ah sida somalida.

6-Somalidu waa dad tijaarada ku horeeya ma ogtahay in qarniyadii hore somalidu la ganacsan jirtay, Masaaridii hore, Roomaankii , chines-kii Yurub iyo Asia, Finiiqiyiinta & giriiga iyo Aqriiqa umadihii la odhan jiray.

7-waa dad halabuur leh somalidu wax hindisa hirgelina kara waxay hindisaan.

Maaha Ilhaam omar oo qudha Wadamada galbeedka si wayn ayaa looga soo dhaweeyey inay ku biiraan siyaasada sida wadamada yurub waxay leeyihiin Mayaro iyo xubno dawlada hoose soo gala oonla soo koobi Karin tiradooda. Waxay leeyihiin waziirka socdaalka ee dalka Canada.

8-waa dad ixitiraam badan , aan ogolaan in la yaso ama la bahdilo waxay ka xigsadaan bahdilaada inay is difaacaan oo gacan ka hadal sameeyaan. Qofka Somaligu wuu ku ixtiraami hadiise adigu aad xumayso kaama haybadaysanayo ee afka iyo gacantaba wuu kuu furan

Hadaad bahdisho kaagama leexanayo inaad madax tahay ama masuul tahay ee wuu iska kaa dhicinayaa qofka somaliyeed

Ugu danbayn wuxuu ku soo khatimay qoraagu

Carabtu Somalida ma ixtiraamto waxay u yaqaanaan dad madmadow oo African ah, iyaguna Carabta waxay u ixtiraamaan sida walaalohood oo kale ,

Wadamada reer galbeedku waxay garteen dadka somaliyeed qadarkooda iyo qiimahoodu iyaguna waxay ixtiraameen sharciyada wadanada ay tageen, taas darted bay somalidu aduunka halkii ay tagaanba Kaalin sharfan ayay ka galeen. Ilham Omar iyo guud ahaan somalidana waan tahniyadaynaa .

Tarjume;

Hussein Jama guudcade

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.