Heshiis ku saabsanaa Arrimaha Milateriga Somalia oo la joojiyey & RW Kheyre oo maanta golaha horgeynaya

MUQDISHO(P-TIMES)- Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Faderaalka Soomaaliya waxay maanta dood ka leeyihiin arrimaha ku saabsan heshiis Milateri oo dhexmaray Taliska ciidamada Xooga dalka iyo Shirkad Ajnabi ah oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, laguna magacaabao SKA.

Golaha Wasiiraddu waxay maanta ka doodayaan sidii go`aan rasmi ah looga qaadan lahaa arrimaha taagan, gaar ahaana heshiiskan oo lagu sheegay mid aan sax aheyn, sidda lagu cadeeyey warsaxaafaded ka soo baxay dawladda Faderaalka.

Xog kale ayaa sheegaysa in golaha Wasiiraddu ay ku kala qeybsanaan doonaan, arrintan maadaama Taliska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Wasiirka Gaashaandhiga ay lahaayeen saxiixa heshiiskan oo dhameystiran.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in go’aamada iyo heshiiska la gaarayba uu markale xiisad kiciyey, kaas oo halis galinaya daganaanshaha siyaasadeed ee dawladda Faderaalka, oo u muuqata in aysan kasoo kaban wali dibu dhacyo siyaasadeed.

Idaacadda VOA-du waxay baahisay Talaadadii lasoo dhaafay macluumaad ku saabsan shirkada SKA, oo lagu wareejiyey howlaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaana dhinacyada SAADKA iyo SAHAYDA milateri in ay ku galbiso wadooyinka xiran ee ay haystaan Al- Shabaab.

Leave A Reply

Your email address will not be published.