Xuseen Ceydiid Oo Fariin Usoo Diray Madaxda Dawlada Dhexe

Gudoomiyaha Xisbiga Isbaheysiga Qaranka Soomaaliyeed Dr Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa isagoo kusugan Dalka Mareykanka waxa uu ka hadlay Yoolka uu hiigsanayo Doorashada Soo socota Maadaama uu siyaasada kusoo laabtay murashax madaxweynena yahay.

Xuseen Ceydiid ayaa Muuqaal kooban uu soo diray waxa uu kaga hadlay Isbadelka Soomaaliya ku dhacay,Hambalyo uu udiray Soomaalida Xilalka ka heshay Dawlada Mareykanka,Guushii Madaxweyne Siciid Dani Ka gaaray Doorashadii Isbuucii Hore Maamulka Puntland iyo Arimo kale.

Siyaasiga Xuseen Faarax Ceydiid waxa uu Soomaalida ugu baaqay inay taageeraan Dawlada si loo gaaro hormar iyo Badhaadhe Dalkana noqdo Mid lagu soo hirto.

Gudoomiyaha Xisbiga Isbaheysiga Qaranka Soomaaliyeed Dr Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa sheegay inuu Soomaaliya imaan doono kana shaqeyn doono isku keenida isfahmi waaga soo kala dhex galay Dawlada Dhexe iyo Dawlad gobolleedyada.

Muddo ayuu Siyaasada ka maqnaa Xuseen Ceydiid,mar kale ayuu hamigiisa inuu ka dhabeeyo doonayaa,doorashada 2021-da dhaceysa ayuuna doonayaa inuu Madaxweyne utartamo doorashada Soomaaliya loo madlan yahay Ee Qof iyo Cod inay noqoto la rajeynayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Leave A Reply

Your email address will not be published.