Puntland iyo Galmudug oo kala saxiixday heshiis ku saabsan qaadista Canshuuraha “SAWIRRO”

Heshiiskan ay kala Saxiixdeen Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda maamulada Galmudug iyo Puntland, xubno ka socday Gobolka iyo laamaha Amniga

Agaasimaha Guud Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Cumar Xasan Xaaj ayaa sheegay in Heshiiskan uu horseedi doono in wax badan ku soo kordhiyo sare u qaadista qaadista canshuurta labada dhinac.

Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda Cabdi Warsame Ibraahim iyo Mukhtaar Cali Cismaan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay dhaqangalinta heshiiskan ay labada dhinac ku gaareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

     

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.