WADADA KELIYA EE FURAN WAA LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA

Waxaa la soo warinayaa in saddexda (3) Maamul-goboleed Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ay durba bilaabeen ama suubsadeen is-xulafaysi siyaasadeed lidna ku ah dowladda dhexe.
Xulafaysiga saddexda Maamul-Goboleed waa mid lagu majaxaabinaayo ololaha iyo dagaalka lidka ku ah argagixisada Alshabaab ama xulafadooda looga cirib-tiraayo dhammaan gobollada dalka. Saddexda Maamul-goboleed waxa ay u arkaan cirib-tirka argagixisada in ay tahay mid khatar ku ah hoggaamintooda jilicsan islamarkaasna godkooda biyuhu ugu soo geli doonaan mustaqbilka.
Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa ay jirtaa todoba (7) bilood mana la gaarin waqtigii dhaliisha, gucashada iyo cabashada masraxa siyaasadda lala imaan lahaa, inkastoo loo jeedin karo dowladda dhaliilo lagu saxaayo khaladaadka iyo gaabiska ay gacmaha kula jiraan.
Ma la joogo waqtigii dagaal siyaasadeed, xasarad iyo buuq lagu furi lahaa dowladda ee wali u baahan in lagu taageero dagaalka argagixisada ay hormuudka ka tahay, waajibna ay tahay in la tuso dowladda khaladaadka ay gacmaha kula jirto lana saxo.
Mar labaad, dalka Soomaaliya wuxuu galay dagaal argagixisada lagula jiro buuq iyo xasarado siyaasadeed lagu furo waxa ay taakuleeyn iyo nafis u noqoneeysaa argagixsada iyo xulafadooda.
Markii siyaasiinta qaarkood dareemaan jileeca iyo habacsanaanta ka muuqata hoggaanka ugu sareeya dalka waxa ay durba bilaabaan gorgortan iyo in ay helaan sad-bursi dheeraad ah iyo in qalinka kula dhagaan madaxda ugu sareeysa dalka si hareer marsan dastuurka dalka.
Siyaasiinta qaarkood markii ay hubsadeen in Madaxwaynaha go’aan kama dambays ah ka gaari karin in is-bedel muuqda ku suubiyo laamaha amniga walina haradigii dowladdii hore ay dalka maamulayaan, waxaa iyaguna u muuqatay in qalinka iyo go’aanka Madaxwaynaha kula dhegaan ama tashwiish iyo xasarado siyaasadeed ku furaan.
In maanta ay suubsamaan kooxo iyo xulafeeysi siyaasadeed waxaa sababteeda iska leh Madaxwaynaha dalka waayo waxaa ku adag madaxwaynaha in go’aan rasmi ah ka gaaro isbedel lagu suubiyo laamaha amniga iyo go’aanada kale ee masiiriga ah ee dastuurka dalka u fasaxaayo sida xaalado deg-deg ah (state of emergency).
Madaxwayne Xasan ma u suubsana shakhsi go’aan adag gaari kara (strike the iron while it is hot) mana u muuqdo mid dagaal dhab ah u jiheeynaayo dowladiisa cusub in ay xoogga saaraan dagaalka argagixisada lagula jiro.
Golaha xukuumadda cusub ma u carbisana ama ma fahamsana dagalka lagula jiro argagixisada, waayo waxa ay dhammaantood iska wada xaadiriyeen shir aqoon is-waydasrsi ee xarunta Heritage ku qabatay dalka Djibouti iyadoo dalka jiho kastaa ka socdo dagaalka lagu cirib-tiraayo argaixisada.
Wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo r/wasaare ku-xigeen aysan u kala soocnayn
marxaladda dalku maraayo iyo howlaha hortabinta leh waa midda qof walba u arkaayo in firaaq hoggaamineed uu muuqdo ama madaxwayne go’aankiisa uu jilicsan yahay, islamarkaasna raba in qof kasta uu qanciyo mucaarad iyo muxaafid kuwaas ee rabitaan, damac iyo ujeedooyin kala gedisan kala wata.
Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay go’aansadeen dagaal lagu cirib-tiraayo la dagaalanka argagixisada ee fadlan yaan fowdo iyo xasarado kaloo siyaasadeed lagu jahawareerin shacabka Soomaaliyeed.
Badbaada Allah,
Avv. Khalif M Duale

Leave A Reply

Your email address will not be published.