Al-Shabaab oo war cusub kasoo saartay weerarka Villa Rays xilli DF ka aamusan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) –Ayada oo weli uu socdo howl-galka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxa goordhoweyd war cusub soo saaray kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay warbaahinta kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo saacado badan qaatay uu sababay in uu khasaaro soo gaaro wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda, sida ay sheegteen.

Sidoo kale waxay sheegteen in dagaal-yahaanada ka tirsan xarakada ee weerarka ku qaaday Villa Rays ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado millateri, islamarkaana ay weli gacanta ku hayaan dhismayaal ku teedsan Madaxtooyada.

“Ciidamada Mujaahidiinta ah ee fuliyay weerarada ayaa si xirfadaysan oo khibrad iyo xeelad ku dheehan tahay uga gudbay dhamaan jid-gooyooyinka faraha badan ee uu cadawgu dhigay wadooyinka Muqdisho, waxay gaareen goobihii yoolkoodu ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab “Waxay sidoo kale u tallaabeen dhanka madaxtooyada halkaas oo ay ku garaaceen madaafiic iyo rasaas culus.”

Qoraalka kasoo baxay kooxda oo ahaa mid ay ku libin sheeganayaan weerarka ay ku qaadeen Villa Rays ayaa waxa kale oo ay ku sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh ku kalifeen in uu si kumeel gaar ah uga guuro xarunta Madaxtooyada, sida ay sheegeen.

 

Ciidamada ammaanka ee dowladda oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka ayaa weli howl-gal culus ka wada Hoteelka Villa Rays oo ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib laba qarax oo lagu dhuftay albaabka hore ee dhismahan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya weli maanta kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, hase yeeshe Booliiska ayaa xalay shaaciyay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka Villa Rays.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.