Somaliland iyo Eritrea oo laga reebay shirka Mareykanka iyo Madaxda Afrika

Saraakiil Maraykan ah ayaa Arbacadii xaqiijiyey in Maraykanku aanu casuumad u fidin Ereteriya iyo Somaliland, iyadoo madaxda Afrika isku diyaarinayaan inay Washington kula kulmaan Madaxweyne Joe Biden toddobaadka soo socda.

Shir madaxeedka labaad ee hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika ayaa dhici doona inta u dhaxaysa 13-ka ilaa 15-ka Diseembar iyadoo Maraykanku uu doonayo inuu sii qoto dheereeyo xiriirrka uu la leeyahay Afrika oo uu la kulmo caqabadaha adag.

Saraakiil u waramayay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Maraykanku aanu ku martiqaadin Ereteriya sababo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington oo xumaaday halka Somaliland looga tegay aqoonsi la’aanta caalamka ka heysata.

Mali, Sudan, Guinea iyo Burkina Faso ayaa laga joojiyay xubinimada 54-ka waddan ee Midowga Afrika sababo la xiriira xasillooni darro siyaasadeed.

“Waxaan sii wadeynaa inaan si gooni gooni ah ula shaqeyno dalalkaas si aan u dhiirigelinno ku soo laabashada ku-meel-gaarka dimoqraadiyadda, marka waxaan joognaa meel wanaagsan oo aan la yeelan karno iskaashi xooggan ” ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Afrika Molly Phee.

“Waxaan rabnaa in aan hubinno in aragtideenu la jaanqaado aragtida ay Afrikaanku u qabaan qaaraddooda,” ayay tiri Phee iyadoo ku dartay inay rajeynayso in hoggaamiyeyaasha ay ka baxaan shir-madaxeedka inay dareemaan in iskaashiga aan la leenahay uu isbeddel muuqda ku sameeyo nolol maalmeedka dadka Afrikaanka ah.”

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in aysan siinin kaalmo laba geesood ah Eritrea codsi dowladeed, balse “ay sii wadi doonto rabitaanka joogtada ah ee lagu dhisayo xiriirka dadka Eritrea, oo ay ku jiraan isdhaafsiga dhaqanka iyo barnaamijyada kale”.

Laakin Marisa Lourenço, oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee fadhigeedu yahay Johannesburg, ayaa sheegtay in go’aanka looga saarayo qaar ka mid ah dowladaha Afrika shirkan uu yahay mid aan cudur daar ahayn, iyadoo xustay in gabi ahaanba aysan “la yaab ahayn” marka la eego xiisadda laba geesoodka ah ee u dhexeysa Mareykanka iyo dalalka laga saaray.

Leave A Reply

Your email address will not be published.