Ruushka, Ukraine iyo Turkiga oo heshiis ka gaarey dhoofinta Qamadiga.

Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa jimcaha saxiixi doona heshiis lagu qaadayo xayiraadda uu Ruushka saaray dhoofinta badarka dekadaha ku yaala badda madow taasoo uga sii dartay cunno yarida caalamka, sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Guterres Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee khamiista u yimaado xafladda saxiixa oo ka dhacaysa qasriga quruxda badan ee Dolmabahce ee Istanbul ee ku yaal marinka Bosporus.

Mareykanka ayaa bogaadiyay warka ku saabsan heshiiska Turkiga ay garwadeen ka aheyd, waxaana uu ku booriyay Ruushka inuu fuliyo.

“Waan soo dhawaynaynaa ku dhawaaqista heshiiskan mabda’a ahaan, laakiin waxa aan hadda diiradda saarayno ayaa ah in Ruushka lagula xisaabtamo fulinta heshiiskan iyo in uu awood u yeesho in qamadiga Ukraine uu gaaro suuqyada adduunka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price oo saxaafadda la hadlay.

Qamadiga ka soo baxa beeraha Ukraine iyo Ruushka ayaa dhoofka caalamka ee Qamadiga ka ahaa 30%, dagaalka Ruushku ku qaadey Yukrayn ayaa sababey in magaaladda dekadda ah ee Odessa ay ku xanibmaan balaayin ton oo Sareenka iyo Haruur ah taas oo si gaar ah u sameysey qaarada Afrika oo ay soo wajahdey cunno yari.

Leave A Reply

Your email address will not be published.