Mudug Weekly News: Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Cadaado “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shacabka Degmada iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug.

Socdaalkan waxaa Madaxweynaha Galmudug ku wehlinayay Wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoo ku tilmaamay Cadaado inay aasaas u tahay midnimadda Galmudug.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiirageliyay iney ka qeybqaataan dib-u-heshiisiinta bulshada, isagoo reer Cadaado ugu baaqay inay hormuud u noqdaan Nabadda iyo wada-noolaashiyaha sidii looga bartay.

Socdaalka Wafdiga Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku qotama adkeynta amniga iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta. wuxuuna kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshadda.

  

Leave A Reply

Your email address will not be published.