“GALMUDUG FORMULA” MA LAGU DABIQI KARAA DALKA OO DHAN ?

Waxaa isi soo taraaya wararka sheegaya in madaxda talada dalka haysaa ay go’aan ku gaareen in doorashada la filaayo in ay dalka Soomaaliya ka dhacdo 20/21 loola dhaqmo qaabka iyo habraacyadii gurracnaa ee lagu soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, hab-raacyadaas ee loogu magac baxay “Galmudug Formula”.

1. Haddii Wasiiru-dowlihii ku jiray Golaha Wasiirada Madaxwayne Galmudug laga dhigay, La-taliyihii xafiiska r/wasaaraha Guddoomiye Baarlamaan Galmudug laga dhigay, howl-wadeenkii xafiiska Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeen Galmudug laga dhigay, shacabka reer Galmudugna la afduubay, sidee u qaab ekaanaysaa xildhibaanada federaalka ee ka imaanaya Galmudug, iyo maamulada kale ?

2. Ma kuula muuqata in doorashada xildhibaanada federaalka in habkaan la magac baxay “Galmudug Formula” oo kale ay ku soo bixi doonaan doorashada 20/21, iyo liis qoran ee madaxtooyada laga soo abaabulay, ama laga soo diyaariyay ?

3. Ma dhici kartaa in saddexda maamul-goboleed ee Koonfur Galbeed (KG), Hirshabelle, Galmudug, iyo khaastan gobolka Benaadir in lagu dabaqo habkaan cusub ee la magac baxay “Galmudug Formula”, doorashada 20/21, ay midabkaan oo kale yeelato ?

4. Ma kuula muuqataa in Baarlamaanka iyo xukuumadda ay ka caga-jiidayaan in doorasho xor iyo xalaal ah in ay dhacdo, wadanka nabad-diidka laga xoreeyo, waqtigana laga dhigo gabaabsi, si muddo kororsigu suurtogal u noqdo, iyo in ugu dambayn la hirgeliyo “Galmudug Formula” ?

5. Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed iyo maamulada dalka jira, haddii sida muuqata aysan jirin saansaan doorasho iyo wada shaqayn dowladda dhexe iyo maamulada ?

6. Ma dhici kartaa in “Galmudug Formula” hirgasho, haddiiba dowladaha kaalmeeya Soomaaliya qaarkood ay ku qanceen in shacabka la maquuniyo ay sax tahay, shacabka dulmanna aysan ka fal-celin, mar kastana marqaati ka yihiin dulmiga, ama raalli ka yihiin in xuquuqdooda la duudsiiyo ?

7. Haddii “Galmudug Formula” ay suurto-gal noqon wayso, maxaa xal ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu badbaadi karaa dowladnimadiisa ?

Jawaabtu waa xaggiina.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.