AQOONTA DALKAAGA KU BADBAADI.

Meelaha ugu kulul naarta (hell) waxaa loo diyaariyay, sida ku xusan diinteenna muqadaska ah, kuwa markii ay jiraan xasarado waawayn ee dalka haysta, ama dalka ay ka jirto dhaqan xumo iyo dhalan-rog (moral decay) saamaysay dalka oo dhan, iska dhiga dhex-dhexaad aan mas’uuliyad ka saarnayn.

Diinteenna muqadaska ah, waxa ay ka dayrisay qofka aan daacadda ahayn, ama laba waji-laha ah, qalbigiisa iyo afkiisuna aysan is-lahayn (munaafaqa ah), waxaana arrimahaan ku soo dagay aayado badan ee ku xusan qur’aankeenna kariimka ah iyo xadiithyo badan ee nabawi ah.

“The hottest places in hell are reserved for those who, in times of great moral crisis, maintain their neutrality”. D. Alighieri.

Dadka nuucaas ah, waxaa lagu sifeeyaa dad danaystayaal ah, ama munaafiqiin ah (hypocrites), laguna tilmaamo jir-jiroolayaasha siyaasadda (political chameleons).

Marar badan ayaan si xeeladaysan ugu fiirsaday, dad badan ee aqoon-yahano isku-sheegaya, ama siyaasiin, kana ganbanaya, ama ka leex-leexanaya in ay sheegaan runta, iyo xaqiiqda dhibka Soomaaliya haysta asalkiisa, iyo wadadii loo mari lahaa xallintiisa.

Aqoon-yahanada aan kor ku soo xusay, ma rabaan in ay fikrad ka dhiibtaan waxa sababay dhibka Soomaaliya haysta, iyo saamaynta (causes and effect) ay ummadda ku yeelan karto, hadii aan laga hortagin waxyaabo badan ee lid ku ah nolosha ijtimaaciga (social evil) ah, ama qof kasta ee waxgarad ah uusan ka dhiiban dareenkiisa iyo xallinta dhibka ka jira Soomaaliya maanta.

Waxaa is-leedahay mararka qaarkood, ma waxa ay sugayaan aqoon-yahanadaasi in laga beeciyo aqoontooda, ama si kajan ah aan isku waydiiyaa, oo aan isku qanciyaa in fikradooda ay ka soo dhiiban doonaan ‘qabriga’ marka ay dhintaan mustaqbilka. Ilaahoow na kori hab-dhqankaan oo kale in ay nagu dhacdo.

Wax walba waxa hoggaamiya, waa bay’adda (environment) mujtamica iyo guriga qofku ku soo barbaaray, middaas ayaana qayb wayn ka qaadanaysa in qofku u diir naxo diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa, kana waantoobo xumaan kasta ee dhaafsiinaysa aduunkiisa iyo aakhiradiisa.

Wa billaahi towfiiq,

Dr. Khalif M Duale

Leave A Reply

Your email address will not be published.