Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo sheegay inuu furayo madal wada hadal si loo qanciyo cidii tabasho qabta

Madaxweynaha maanta la doortay ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor-qoor” oo galabta bixiyay waraysi gaar ah ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu cid gaar ah u jawaabo ama eed u jeediyo, balse uu si degdeg ah u furi doono madal wada hadal oo lagu dhegaysan doono cid kasta oo tabasho qabta.

Mar la waydiiyay xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu tilmaamay inuu Dawladda dhexe ku bogaadinayo nidaamkii dheeraa ee ay lasoo martay dhismaha Galmudug.

“Inaan xiriir la leeyahay Dawladda dhexe waxaan u arkaa inay sharaf ii tahay, maadaama nidaamka dalkeena ka jiraa uu yahay mid Federaal ah oo Dawladda dhexe hormuud u tahay” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey nidaamka doorasho ee lagu doortay inuu yahay mid ay ka dhex muuqdeen dhamaan bulshada Galmudug ku nool.

Leave A Reply

Your email address will not be published.