Puntland: Cahdigii 1998 oo Burburay Kadib Muran Siyaasadeed
Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo beelaha aasaasay ayaa horseeday burburka Cahdigii lagu dhisay Puntland 1998.
Galkacyo, Puntland – 28 Abriil 2025:
Puntland, oo muddo dheer loo aqoonsanaa tiir dhexaadka maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo halis ah. Khilaafka u dhexeeya maamulka Madaxweyne Siciid Deni iyo madax dhaqameedka beelaha aasaasay Puntland ayaa sababay burburka Cahdigii lagu dhisay sanadkii 1998.
Madaxweyne Deni kama leexan karo madax dhaqameedka Hartiga oo ah isha sharciyadda siyaasadeed ee Puntland. Khudbaddiisii ugu dambeysay, Deni wuxuu muujiyay inuusan dib u eegis ku sameyn aasaaskii Puntland oo beelaha Hartiga hormuud ka ahaayeen. Puntland waxaa lagu dhisay hab maamul beeleed, iyadoo awoodda siyaasadeed ay siiyeen odayaasha dhaqanka.
Madaxweyne Deni wuxuu aqoonsaday maamulka SSCK oo la dhisay 6dii Febraayo 2023, inkasta oo maamulkaas aanu sharciyad rasmi ah ku lahayn Puntland. Xildhibaannada magaca SSCK ku fadhiya Baarlamaanka Puntland waxaa soo xushay Deni, balse odayaasha dhaqanka SSCK uma arkaan inay matalaan shacabka. Tani waxay dhibaato ku keentay isla xisaabtanka siyaasadeed ee Puntland.
Boqor Burhaan wuxuu taageeray aqoonsiga SSCK ee dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo muujisay kala go’ siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Saddex jeer oo hore ayay Puntland iyo Jubaland siyaasadda federaalka isku khilaafeen:
- 2016-kii, Puntland waxay diidday habka 4.5 doorashadii 2017, inkastoo ay markii dambe oggolaatay.
- 2022-kii, Jubaland ayaa sii waday xiriirka dowladda federaalka halka Puntland ka baxday Golaha Wadatashiga Qaranka.
- Intii uu xilka hayay Cabdiweli Gaas, Puntland waxay diidday in xeebaha shidaalka laga baaro halka Jubaland ay oggolaatay.
Madaxweyne Deni, khudbaddiisii shalay, si dadban ayuu u taageeray kala go’a Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay in Somaliland si rasmi ah uga mid noqoto Golaha Wadatashiga Qaranka. Dib u dhacyo siyaasadeed oo is biirsaday ayaa sababay in Cahdigii Puntland lagu dhisay 1998 uu si rasmi ah u burburo sanadka 2025.
Haddii muranka u dhexeeya Puntland iyo SSCK sii fido, waxay noqon doontaa caddeyn dhab ah in nidaamka federaalka Soomaaliya uu fashilmay. Waxaa jira cabsi weyn oo laga qabo in madax dhaqameedka Puntland ay si wadajir ah uga horyimaadaan maamulka Madaxweyne Deni, iyagoo u arka inuu khatar geliyay nabad ku wada noolaanshihii beelihii Puntland wada dhisay 1998.
– DHAMMAAD –