Puntland iyo Galmudug oo iska kaashanaya ka hortaga waxyaabaha maanka dooriya

saraakisha Ciidamada ammaanka ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka howgala gobolka Mudug ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan la dagaalanka dadka waxyabaha maanka dooriya galiya magaalada Gaalkacyo iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ay ka qeyb qaataan amni darada ka jira magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug dhanka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiyre ayaa sheegay in kulanka looga hadlayay sugida amniga ee magaalada Gaalacyo iyo sidii looga hortagi lahaa dadka falal amni ka geysta magaalada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay iska kaashan doonaan sidii looga hortagi lahaa dadka waxyaabaha maanka dooriye geliyo magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhowr mar waxaa ay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriye iyo dadka ka ganacsada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.