SIYAASIINTAJIR-JIROOLAYAASHA AH: (CHAMELEONIC POLITICIANS).

Dowladnimada waxaa saldhig u ah siyaasadda arrimaha gudaha (domestic policy) middaas ayaa jaangooyasa siyaasadda dibadda (foreign policy) si ay miro-dhal dhaxal reeb ah ay u noqoto.
Dowladda talada dalka haysa waxaa labadii sano ee la soo dhaafay ku guulaysatay in ay la dagaalanto Argagixisada Alshabaab, dayn cafinta, ka qaadista cunno-qabataynta hubka Soomaaliya, ku biiridda Soomaaliya suuqa Afrikada Bari (EAC) iyo kor-u-qaadida sumcadda iyo diblomaasiyadda dibadda, laakiin guulahaas dhammantood ma noqonayaan kuwo waara ama mira dhal noqda, haddii ay ka jirto dalka siyasaddiisa gudaha (domestic policy) maamul xumo, habacsanaan, boob, dhac, dilal joogto ah, ku-takrifal awoodeed (abuse of power) musuq-maasuq iyo kalsoonida ee ka lunta shacabka Soomaaliyeed.
Labada xildhibaan Shiikh Shariif Sh. Axmed iyo Maxamed C. Farmaajo ayaa ka soo hor maray waqtigii ay ololaha doorashada bilaabi lahaayeen 2025, waayo waxa ay arkeen jileeca, habac-sanaanta, danaysiga iyo dhul-boobka ay kooxda talada dalka haysa waqtiga ku lumiyeen, walina ku mashquulsan yihiin.
Kooxda Damuljadiid/Daljir shacabka ayeey albaabada ka xirteen, taageerayaashoodii hore ka dhigeen “ma liibanayaal lagu liibaanay” wax walba ay iyagu isku soo koobeen ha noqoto: xilal, mashaariic, qandaraasyo ay ka mid yihiin (mira/qat), dhul dan-guud ay ganacsato xarbul-taajiriin ah ka iibiyeen kulana shirkoobeen iyo awoodda dowladda ee wax laga waydiiyo keliya howlwadeenada (activists) Damul-jadiid/Daljir (milkiliyaal) la wada yaqaan.
Madaxwaynayaashii hore waxa ay u arkeen fashilka socda iyo gadoodka shacabka in ay u tahay jaanis ay uga faa’idaysan karaan xukumka iyo awoodda dowladnimadana ay dib ugu soo noqon karaan ama ka ridan karaan kooxda Damuljadiid/Daljir.
Waxaa la soo warinayaa in kalsoonida ay qabaan ama ay ku xisaabtamayaan labada Madaxwayne ay tahay in laamaha dowladda (legislative/executive/judiciary) ha noqdaan: xildhibaanada/senatoorada labada gole qaarkood, Agaasimayaasha Wasaradaha, Shaqaalaha Dowladda (Civil Servants) Madaxda Booliska, Militariga, Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir, Garsoorka dalka, Madaxda Maamulada dalka ayaa 60% waxa ay u badan yihiin taageerayaasha Nabad iyo Nolol iyo kuwii shanta (5) sano xasuuqa, caburinta iyo dulmiga ku haayay shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa nasiib darro ah in taageerayaasha Nabad iyo Nololay ay wali ka buuxaan Golaha Wasiirada iyo hay’adaha dowladda waxa ayna mucaaradka u tahay fursad ay ku heli karan dul-duleel kasta ay ku dhabar jabin karaan kooxda talada dalka haysata (Damuljadiid/Daljir Junta).
Labada Madaxwayne Shiikh Shariif iyo Farmaajo waxaa la hubaa in aysan lahayn jaanis dambe ay dalka ku hoggaamin karaan, lagana warqabo wixii hagardaamo, xasuuq iyo halaag ay marsiiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana kula talin lahaa in la joogo waqtigii ay shacabka Soomaaliyeed ka dhuuman lahaayeen.
Kooxda talada dalka haysa waa koox is-mahadisay, hilmaantay waxa ay soo mareen, meesha la joogo iyo hiigsiga la rabo in la gaaro, waxayna ku soo biyo-shubteen in ay yihiin saqiiro-siyaasadeed (rookie politicians) janis helay, kuna sakhraamay awoodda ay heleen, albaabadana bulshada Soomaaliyeed ka soo xirtay, lana hubo in ay marayaan wadadii ay kooxda Nabad iyo Nolol mareen oo kale.
Ugu dambayn, waxaan kula talin lahaa aqoon-yahanada iyo wax-garadka Soomaaliyeed in si deg-deg ah loo abaabulo jiil cusub kana badbaadiya dalka jir-jiroolayaasha siyaasadda (chameleonic politicians) damacooda koowaad yahay boob, dhac, musuq-maasuq iyo in ay ku naaxaan hantida shacabka inta talada dalka ay garwadeenka ka yihiin.
Badbaada Allah,
Avv. Khalif M Duale

Leave A Reply

Your email address will not be published.