Soomaaliya oo Guddoomisay shirar hordhac u ah kulanka Guud ee Midowga Afrika

Wasiiru-dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar “Balcad” iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Afrika.

Kulamada qabsoomay waxaa qayb muhiim ah ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Afrika oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Afrika, guddigaas oo ay xiligan hogaanka u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo diplomaasiyiin katirsan Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyadoo sidoo kale ay kulanka soo xaadireen dhamaan dalalka xubnaha ka ah guddiga waxaana shir guddoominayey Wasiiru-dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar “Balcad”.

Guddiga ayaa shirkooda kaga arrinsaday qorshayaasha taagan ee hortebinta u leh dalalka ku bahoobay Midowga Afrika, iyagoo soo bandhigay wadamada iyo madaxda Afrika ee sanadkan u baratamaya jagooyin fara badan oo ay tartan xoog leh ugu jiraan qaar kamid ah dalalka iyo masuuliyiinta Afrika oo ay Soaomaaliya kamid tahay.

Kulanka guddiga oo ay shir guddoominaysay Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si gaar ah loogaga hadlay dedaalka iyo tartanka ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ee sanadaha 2025-2026.

Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar “Balcad” ayaa markii shirku soo dhaamaday waxa uu la hadlay warbaahinta Qaranka, isagoo hoosta ka xariiqay in marka laga tusaale qaato dedaalka ay muddooyinkan danbe wadday Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya uu yahay mid guul weyn usoo hoyn doona Qarankeenna, isla markaana ay Soomaaliya natiijo miro dhal ah ka gaari doonto dedaalka ay ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.