Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shir wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shir wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.



















