MADASHA WADA TASHIGA QARAN OO GAARAY HESHIIS AY KA MAQAN TAHAY PUNTLAND

Shirkii Madasha Wada-Tashiga Qaranka oo ku soo xirmay Muqdisho ayaa laga soo saaray War-Murtiyeed faahfaahinaya Qodobadii looga hadlay Shirkaas.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Madasha Wada-Tashiga Qaran ayaa ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (ProportionalRepresentation – Closed List).

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loona dardargeliyo habsami u socodka dowladnimada, waxaa dalka uu qaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Heshiiska waxa ka maqan Puntland oo aan gebi ahaanba ka qayb gelin Shirkii Madasha Wada-Tashiga Qaranka ee ku soo xirmay Muqdisho.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

mudug.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.