Puntland oo markale dhismaha Dekadda Bosaso u saxiixday shirkadda DP World

Xukuumadda Puntland ayaa maanta mar kale Qandaraaska dhismaha Dekadda  Magaalada Bosaso u saxiixday Shirkada (Mar Marine)

Wasiirka wasaaadda Dekedaha iyo gadiidka badda Puntland Axmed yasiin Saalax, Maamulaha guud ee Shirkadda Mar Marine Nabil Milad Abou Rjaili iyo

Suhail Al Banna oo kamid ah Madaxda sare ee shirkadda DP World ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Qandaraaska dhismaha Dekedda Bosaaso.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaq Cali Siciid (Shaahdoon)  iyo Gudoomiyaha Degmada Bosaso Xasan Cabdale Xasan ayaa ka qeyb galay munaasabada.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Dekedaha Puntland waxaa si rasmi ah qeybta kowaad ee dhismaha Dekedda Bosaaso la bilaabayaa 24ka bisha January ee sanadka 2023-ka

Horseed Media

Leave A Reply

Your email address will not be published.