MAR HADDII AROOS LAGU KULMIYEY MARNA WAA FURSAD SIYAASADEED EE MAXAA KASOO BIXI DOONA ?

Mar Haddii Aroos Lagu Kulmiyey Marna Waa Fursad Siyaasadeed Ee Maxaa Kasoo Bixi Doona?(Faallada -jabuuti)
Haybado Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Xudunta Qoyska Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa Dad badan oo Reer Jabuuti ahi aaminsan yihiin in Xaflada Arooskeedu Wakhtigan yahey, Mid Marka horeba Ku yimid, Mawduuc Siyaasadeed, Maadaama Aabaheed Madaxweyne Ismaaciil Qeyb Ka ahaa ololihii Lagu Ridey Madaxweynihii hore, ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Maxay u Aamineen Reer Jabuuti inuu Aroosku Siyaasad Ku Lugleeyahey
Saadiq John oo ah, Arooska Xafladiisu Kulmisey Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh Waxaa xaqiiq ah inaanney Habayaraatee, Wax Aqoon ah iyo Kulan gaar ahaaneed Midna Yeelanin haseyeeshee, Waa Go,aan kasoo Taladiisu Kasoo Go,dey Madaxweyne Ismaaciil iyadoo abaalgud looga dhigayo Doorkii uu kulahaa Saadiq John, Talaabadii Ciidamadu kaga hor yimaadeen Madaxweyne Farmaajo, taas oo Dawladda Jabuuti Farmaajo u aqoonsatey Bilawgii, inuu halis Ku yahey Danahooda marka loo eego Sidii ay uga Gilgisheen Heshiiyadii uu iskaga dabqaadey ee Elatariya iyo Itoobiya.
Haddaba, Martiqaadka Lagu Maamuusay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Xasan Shèekh, oo Qoyska Madaxtooyada Jabuuti labadoodaba Martiqaadka u Fidiyeen ayaa Tusaale u ah inney Labaduba yihiin Saaxiibada dhabta ah ee Madaxweyne Geelle iyo Qoyskaba, oo Qeyb ka ahaa Ololihii Doorashada Somaliland ee 2017kii, iyo Kii Xasan Kursiga Ku Fuuley.
Sikasta oo ay tahey, Waa dhab inney Taagan tahey Wadahadal Gaar, ah oo Sidii Caadada aheyd Dawladda Jabuuti Bud-dhig u tahey taas, oo Lagu Waddo in Labada dhinacba Ku Qanacsan yihiin Meel dhexe, oo Lagu xadhig Xidho Duruufaha Siyaasadeed ee u Dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya taas, oo aynu Ku Gunaanadayno, Maxaa Kale ee Kasoo Kordhi Karra Wadahadal Jabuuti Fure u tahey?
Waxa Qoray Cabdiraxmaan Hiiraan 
Hargeysa Somaliland

Leave A Reply

Your email address will not be published.