MARKII QORSHE IYO HADAF MIDAYSAN AADAN LAHAYN BAHDILADAAN OO KALE AYAA MARTI U NOQOTAA.

Villa Soomaaliya iyo Guddoonka baarlamaanka oo muddo xileedkeed-kooda dastuuriga ahaa ka dhammaaday, ayaa maanta waxa ay wadaan qiimayn jawiga baarlamaanka sida uu yahay, ama uu noqon karo maalmaha soo socda, iyo in muddo kororsi ay macquul tahay iyo in kale.

Maanta waxa ay ku guulaysteen Villa Soomaaliya in ay bannaanka keenaan cududooda militari oo ay ka soo saarren ciidamada dowladda furumaha dagaalka ee ay uga soo hor jeedeen cadowga Alshabab,
magaaladana ay soo geliyeen hubka ugu cuslaa ebid, kuna wareejiyeen dhammaan isgooysyada magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo maanta hirgashay in guddoonka baarlamaanka ay ka hor istaagaan 15ka xildhibaan ee ay ku tilmaameen Qaswadayaal iyo isku socodka shacabka Muqdisho xarunta Golaha shacabka iyo agagaarkeeda.

Siyaasiin mucaarad ah iyo murashixiin afartii (4) sano ee la soo dhaafay warsaxaafadeed iyo hadalo aan ka tarjumayn xaqiiqda jirta ku hadaaqayay maanta ayeey hayaan dhaxalka iyo miraha ay abuurteen.

Madaxwaynaha xilka uu ka dhammaaday wuxuu dhacdadaan oo kale suubiyay bishii April 13, 2018 markii Prof. Jawaari la ridaayay, loona isticmaalay xoog, ciidamo lagu wareejiyay baarlamaanka, waxa ayna ahayd biloowga inqilaabka aamusan (silent coup d’etat) ee lagu bartilmaa-maysanaayay siyaasiinta ka aragti duwan Villa Soomaaliya, sida weerarka hoyga C. C Shakuur, ilaaladiisa xabaal-wadareed lagu xabaalay jinaaso la’aan, iyo weerarka aan la is-waydiin ee lagu qaaday hooyga senator Cabdi-qaybdiid.

Villa Soomaaliya waxaa u rumoowday inqilaabka ay qorsheeysteen markii ay weerar ku qaadeen labo madaxwayne hore, r/wasaare hore iyo murashixiin xilka madaxtinimo u tartamaaya, iyagoo ku sugan goofafkii ay ku dhasheen wax fal-celin ahna aan laga suubin.

Dhacdooyinkaas oo dhan waxa ay dhiiri-galisay Villa Soomaaliya in ay diido in ay qabato doorasho loo wada siman yahay, isla oggol ah, hishiisna qaadato, waana midda aan sugayno maalmaha soo socda in muddo kororsi ay suubsadaan baarlamaanka iyo madaxwaynaha xikiisu dhammaaday, wax ka hor istaagi karaana aysan jirin sida ay xaajadu ku socoto.

Siyaasiin mucaarad ah iyo murashixiin fiirsanaayay afar (4) sano oo Mr. Farmaajo hub iyo saanad aruursanaayay, qaarkoodna ahaa taageerayaal kaligitalisnimada dhismaysay (dictatorship in the making) in maanta ay ka hadlaan doorasho, iyo dastuur horey loo laalay, waa siyaasad xumida maanta haysata mucaaradka isku-bahaystay Hotek Jaziira, iyo waji-gabaxa ama bahdilaada ay u soo hooyeen shacabka ay wakiilka ka ahaayeen.

Badbaada alle,

Avv. Khalif M Duale

Leave A Reply

Your email address will not be published.