Raysalwasaaraha Cusub Oo La Kulmay Hogaanka Golaha Shacabka

Raysal wasaaraha cusub ee dowlad federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay hogaanka golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, guddoomiye Mursal, kuxigeenkiisa Muudeey iyo xildhibaano.

Kulanka masuuliyiinta oo ahaa isbarasho ayaa kusoo beegmaya iyadoo baarlamaanku wali codka kalsoonida siin raysalwasaare Rooble, waxaana ay warar hoose sheegayaan in hogaanka golaha shacabku balanqaadeen ansixintiisa balse ay codsadeen inay xubno ku yeeshaan golaha wasiirada cusub.

Waxaa maalinta khamiista raysal wasaraaha cusub la horgeyn doonaa baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida.

s/Horseed Media

Leave A Reply

Your email address will not be published.