Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo shaaciyey in Galmudug yeelaneyso ciidamo gaar ah

Dhuusamareeb  – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sameynta ciidamo gaar ah oo ay yeelaneyso Galmdug, kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish.

Fiqi ayaa tilmaamay inay haatan wadaan diyaarinta sharciga lagu aas aasi lahaa ciidamadaasi, si ay Galmudug u sugato amniga deegaanadeeda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan laga maarmi doonin wixii iskaashi iyo caawimaad oo dhinaca dowladda ah,  inta laga dhisayo Booliska Galmudug.

“Booliska Galmudug sharciga lagu aas aasayay waa soo wadnaa isagaa kow ka ah, Galmudug inay Booliskeeda, amnigeeda iyo daraawiishteeda ay yeelato, dowladda federaalka waa soo gurmatay Ciidamada jooga oo dhan dowladda federaalka raacsan yihiin, biyo sacabadaada looga dhargaa inaan Booliskeena iyo ciidankeena aas aasano, ciidanka dowladda federaalka iskaashi iyo caawinaad meelaha aan dabooli weyno maadaama dhaqaale nagu filan ayaamaha hore aanan heysan ayay noqoneysa, laakiin shaqo adag ayaa taalla, la xisaabtan dhab ayaa ogolnahay, baarlamaan waa ka soo shaqeynay”ayuu yiri wasiirka cusub ee amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Deegaanada Galmdug sidoo kale waxaa xilligan ku xoogan deegaanada qaar Al-Shabaab, kuwaas oo gacanta ku haya magaalooyin muhiim u ah maamulkaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.