Galmudug waxay weyday Waxgarad iyo Aqoonyahan

Muqdisho (CO) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, ayaa ka hadlay xaalad adag oo ka jirto deegaanada maamulka Galmudug iyo waxa loo baahan yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in deegaanada Galmudug ay ka taagan tahay xaalad adag oo u baahan in dadkeeda ay wax u qabtaan, maadaama sida uu sheegay aan lagu sii fiirsan karin xaalada taagan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la iska hilmaamay khilaafkii u dhaxeeyay madaxda Galmudug, maadaama uu sheegay inaan ilaa iyo hadda xil laga gaarin khilaafka madaxda Galmudug.

Waxaa uu sheegay in maamulada Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay in ay yihiin maamulo waa weyn in ay leeyihiin Aqoonyahan iyo Waxgarad xaliya dhibaatada maamulka soo Wajahda, laakiin maamulka Galmudug uu waayay Aqoonyahan iyo waxgarad xaliya dhibaatada.

“Galmudug waxay weysay aqoonyahan iyo waxgarad xaliya dhibaatada maamulka soo wajahday, Jubbaland iyo Puntland fiiri, waxay leeyihiin aqoonyahan iyo waxgarad xaliya dhibaatada soo kororta”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Carabey ayaa ugu baaqay Waxgaradka Galmudug in ay ukala garnaqaan, isaga iyo Madaxweyne Xaaf oo Muddo ka badan hal sano kalafadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Leave A Reply

Your email address will not be published.