Khilaaf oo kala dhax galay Xaaf iyo Sheekh Shaakir iyo xog ku aadan waxa la isku hayo

Sabti, December, 8, 2018(HNN)Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in uu banaanka usoo baxay khilaaf soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir.

Sida aan wararka ku heleyno khilaafka labada dhinac ayaa salka ku haya cida loo dooranayo Madaxweyne kuxigeen uu yeesho maamulka Galmudug garabka ku sugan magaalada Dhuuso Mareeb uu hogaamiyo Xaaf.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa dooneysa in Madaxweyne kuxigeenka uu yeelanayo Xaaf in uu noqdo mid iyaga ay wataan, halka Xaaf uu arintaasi kasoo horjeedo uuna doonayo ruux ay is fahmi karaan in uu ka dhigo Madaxweyne kuxigeen.

Khilaafka ka dhashay doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana kooxda Ahlu Sunna ay cadaadis xoogan ku saarayaan Xaaf in uu aqbalo rabitaankooda.

Kooxda uu hogaamiyo Sheekh Shaakir ayaa horey u qaadatay Gudoomiye Baarlamaanka oo lagu doortay Dhuuso Mareeb, waxa ay sidoo kale kooxda dooneysaa in Madaxweyne kuxigeen ku darsato si awooda maamulka gacantooda usoo wada galo.

Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu soo waramayaa in uu ku qasbanaan doono in uu yeelo dalabka kooxda Ahlu Sunna ee ka talisa Dhuuso Mareeb maadaama uusan hada heysan meel kale uu u ciirsado.

Maamulka Galmudug ayaa u qeybsan labo garab oo kala leh labo Madaxweyne iyo labo Gudoomiye Baarlamaan, waxaana labada garab ee Galmudug xarumo u kala ah magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Cadaado.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.