Wafdigii ka socday Dowlada Qadar ee gaaray Hobyo

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa duhurnimadii maanta waxa ay gaareen Magaalada Dakadda leh ee Hobyo Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in safarka Madaxweynaha ay ku wehlinayaan masuuliyiin ka socota Dalka Qatar, kuwaasi oo Muqdisho u yimid qiimeynta dakadaha Soomaaliya iyo habka ugu wanaagsan ee maalgashi loogu sameyn karo.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Xuseen Iidow, Xildhibaan Ubax Tahliil iyo siyaasiyiin kale ayaa sidoo kale qeyb ka ah safarkan, Waxaana wafdigaan kormeer ku tageen dekedda magaalada Hobyo.

Ammaanka magaalada Hobyo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana daafaha magaalada lagu soo daadiyay ciidamo cusub, kuwaasi oo ka hortagaya falalka ka baxsan ammaanka, inta masuuliyiinta ay halkaasi ku sugan yihiin.

Wafdiga Qatar ka yimid ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyaga oo isla maanta aaday Magaalada Hobyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.