Daawo Damaashaadka xeebta liido iyo bulshada Xamar maalmaha Jimcaha iyo Khamiista.

Maalmaha Jimcaha iyo Khamiista Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ahna Caasimadda Dalka waxaa u damaashaad taga kumanaan ka mid ah dadka ku nool Caasimadda kuwaa oo iskaga yimaada 17 ka Degmo ee Gobalka Banaadir.

Dadka u soo damaashaad taga Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa u badan dhalinyaro kuwaas oo inta badan fasax ka ah xaruumaha waxbarasho ee ku yaal Caasimadda Dalka ee Muqdisho sida Jaamacadaha iyo Dugsiyada kuwaa soo ku faraxsan in ay waqtigooda inta badan ku bixiyaan Dalxiiska iyo Damaashaadka xeebta Liido.

Marka laga yimaado dhalinyarada waxaa qeyb ka ah dadka usoo Dalxiis taga Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho qeybaha bulshada waxaana sidoo kale qeyb ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda kuwaas oo waqti farxadeed iyo Damaashaad la qaata dhalinyarada ah bilicda Dalka.

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah xeebaha ay ku yaala Dalka ayna u damaashaad tagaan muwaadiniinta Soomaaliyeed maalmaha Jimcaha iyo Khamiista hasa-yeeshee Liido marka laga yimaado maalmaha nasiinada maba jiro xili ay firaaqo tahay maadaama ay ku taalo Caasimadda Dalka ee Muqdisho oo ay ku bulsho badan ku nool yihiin.

Xeebta Liido waxaa ku yaala Hoteelo Ganacsi oo ay maalgashadeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo u badan qurba joog kuwaas oo door weyn ka qaatay dib u dhiska iyo soo celinta bilicda Caasimadda Dalka iyo Dalxiiska xeebta Liido halka Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay u diyaarisay Ciidamo gaar ah oo ilaaliya muwaadiniinta ee usoo damaashaad taga Xeebta Liido si aysan maleeshiyaadka Al-shababa u dhibaatayn iyo in badu qaadin dadka u Dalxiis yimaada Xeebta.

Shalay oo Khamiis ahad ayaan Howlo shaqo ku tagay Xeebta Liido waxaana indhahayga soo jiitay quruxda iyo bilicda Xeebta Liido maadaama ay ku damaashaadayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ah ubaxii Dalku lahaa waxayna kuu sheegayaan in ay ku faraxsan yihiin Dalxiiska iyo damaashaadka Xeebta Liido.

Wixii ka dambeeyay Sanadihii 2011 ilaa 2012 oo Caasimadda Dalka ee Muqdisho laga saaray maleeshiyaadka nabad iyo nolal ah ee Al-shabaab ayaa waxaa dib usoo hagaagayay bilicdii iyo haybadii lagu aqoon jiray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho inkastoo Argagaxisada nabad diidka ah ee Al-shabaab kasoo hor jeedaan muuqaalka wanaagsan ee Muqdisho oo ay ku howlan yihiin bur burinta dhismayaasha qurxoon sida Hotelada waxaase xusid mudan in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan qalbi jabinayn dhagarta Argagaxisada Al-shabaab.

Badda ku xeeran dhulka Qaranka Soomaaliyeed oo dhererkeeda lagu qiyaaso 3333km bilicda iyo quruxda ka sokow- waxay ka mid tahay badaha ay ku jiraan khayraadka ugu badan adduunka ee aan weli la daah-furin ama laga faa’iidaysan.

By Wariye Baashi Cali Xaashi

Leave A Reply

Your email address will not be published.