LIXDA QEYBOOD EE AWOODAHA QABAA’ILKA EE CADOWGA WAJAHAY

LIXDA QEYBOOD EE AWOODAHA QABAA’ILKA EE CADOWGA WAJAHAY:
QABAA’ILLAda CADOWGA KA ADKAADAY:
1. Afarta samatalis (Farmage Samatalis, Yusuf Samatalis, Dige Samatalia iyo Cabdalle Samatalis ) Xawaadle warkiiaa waxaan ku soo koobayaa waa dadka dagaalamay dagaalka libaaxyada.
2. Governo Sacad (Habargidir) Sacad waxay isku darsadeen iyaga oo deegaankooda si xarago leh u xoreeystay iyo iyaga oo gurmad u fidiyay deegaanno kale sida Xarardheere iyo Bacaadweyne)
3. Saruur ( Reerkan waa reerka kali ee markii dowlada federaalka iyo dowladda iskeeda udhisan ee beesha Sacad ay la xoreeyeen deegaankooda dal iyo dibad iskaga yeertay ee si sharaf leh u difaacday iyaga oo uu hoggaaminayo janankooda dagaalka Jeneraal Maalin)
4. Ciise Ratti [Ciise-rageed] (Abgaal) Waxay soomaalida kale dheeryihiin Afcadeey iyo Odawaa taariikh ahaana dirirta waa lagu amaani jiray iyaga, Kabaale iyo Habar Nugaal.
4. Kabaale (Abgaal)
5. Agoonyar (Abgaal)
7. Habar Nugaal (Abgaal)
7. Warsangeli (Abgaal)
8. Obokor (Abgaal)
QABAA’ILKA RAGGANIMADA MUUJIYAY GUUSHIINA U MUUQATO 100%
1. Saleebaan (Habargidir) oo macaash dheer kadib hadda ruuqaansaday laguse qiimeeyn doono in ay horay u sii socdaan ama dib-unoqosho hadba kii tabari gaarsiiso.
2. Mursade (3&9) reerkan waxay ku nacfi badanyihiin markii Madaxtooyada Villa Soomaalia la arbushayo oo kali ah, hadana markii dagaalka deegaankooda laga hadlayo waxaa dhib ku ah labo caqabood oo kala ah, juquraafi ahaan halka deegaankoodu ku yaallo iyo hoggaan la’aan daran.
3. Qubeeys (Surre/DIR) markii horaba waxay ahaayeen dad dagaalama aanse helin taageero dowladeed, haddese waxay heleen saddex dowladood oo kala ah, Dowladda Federaalka, Dowladda Galmudug iyo dowladda iskeed awoodda u leh ee Governo Sacad.
QABAA’ILKA TAAGEERADA DOWLADDA WAAYAY, IYAGUNA ISKU FILNAAN WAAYAY:
1. Gaaljecel
2. Baadicadde
Saddexdaan qabaa’il waxaa iskugu darsoomay hagar dowladdeed, hoggaan la’aan iyo hiif-Xawaadle, waana halka hoogga ka heysto.
QABIILKA KALIGIIS ISKU FILAN, AANSE DAGAALKA KU MIDEEYSNEEYN.
1. Duduble: Reerkaan waa halka reer ee Soomaaliyeed ee isku filan, dadkalana gurmad u fidin kara, dad ahaan, duunyo ahaan iyo deegaan ah intaba, balse aan qalbigooda ayaanu weli dagaalku si mideeysan uga soo go’in, waxayna u dhexeeyaal labbo lakab-gabacsi oo kala ah; Ganacsato Bakaaro ka shaqeeysata iyo Ganacsato siyaasadda ka shaqeeysata. (Waa qabiilka kali ah ee rag dagaalama markii la waayay ay gabari uga shahiiday Ceel-lahelay). Ilaahoow Halgamaa Xalane iyo halyeey Elman labadab u naxariiso.
QABAA’ILKA TABARTA YAR, DOWLADDU WAXKASTA SIISAY, HADANA AAN ISKU FILNEEYN, XATAA HADDII DEEGAANKOODA LOO XOREEYAY DIFAACAN WAAYAY.
1. Daa’uud (Abgaal)
Caadi ahaan waa qabaa’il alle balaariyay laakiin si macnaawi ah uga mid noqday reeraha tabarta yar marka la eego sidii loo yaqaanay iyo sida caawa qoraxdu ugu dhacday Ruun-Nirgood, waxayse soo mareen maalin laandheerenino kibir iyo tookh halka ay ka gaareen uu ninkii dhaanka watay ee daa’uud markii uu ceelka reerkii dirirtu kala dhexeeysay yimid ee arkay dilkiisa oo laga tashanayo yiri “Daa’uud niman-samaan ahay, dal dheeraan kasoo kacay, yaan leeysku keey dilin dadaa iga danbeeyee” maantase isfiirsi dhexdooda ah, tabasho Xasan ah ayaa alle ku sababay in hoggaanka colkoodu noqdo “Wasiiradda shidan”.
2. Waceysle cadde (Abgaal) Qabiilkan [Waceysle] waa reerka Madaxweynaha, si deegaankooda loo xoreeyo, waxaa ku maqan oo naftooda u huray ciidan 900 oo askari ku dhow (qabashadii iyo difaaciddii deegaankaas) Gaadiid 75 ah, dhaawac tiro beel ah, saraakiil sarsare oo aan weli nolol iyo geeri toona lagu heyn [Shaah Macabe] – sidaas ay tahayna maalin cad ayay ka soo bexeen deegaannadooda markii ay difaacan waayeen, hadana waxay dulsaar ku yihiin jufada Al-kowthar difaacatay ee Ciise Rati, oo ay dhinackasta iyagu uga horreeyaan, marka kelyo-adeegga dagaalka cadowga laga reebo, sababta ay dhimasha u diidayaanna waxaa lagu macneeyay waxdheef-raadiska odaga agtiisa ah, caadi ahaan Waceyslaha iyo waxdheefka waa la iska waafajiyaa (xasuuso shiribkii 1960 loo tiriyay ee ahaa; Waceysle war qaboobidaa, waayeel waxdheefaa wareeriyee), Hadda waa wax u eg isla iyadii oo laga dhigay “Waceysle waran qaboobidaa wiilashiinii waxdheefaa wareeriyee) hadda waxay talo ku goosteen in ay noqdaan TOL WADA QANDARAAS-DOON ah ee aan qur-gooyo u diyaar aheyn.
QABAA’ILKA AAN MARKII HORABA CADOWGU DHUL KA HEYSAN
Reer Xeraale iyo Huurshe: wali dagaalka ma aanay gelin, waana dadka kali ah oo haddii Madaxweynuhu si dhab ula fadhiisto laguna qanciyo aan aaminsanahay in Khawaarita Balcad la soo dhaafsiin doono, waayo waa dad caqiiqadoodu aad u sarreyso xabbaduna aanay dhabarka uga dhicin.
MAREEXAAN, hadda waa labo qeybood: Qeyb wali xasuustoodu ku lammaanantahay natiijadii doorashadii 15 MAY iyo dakanadii siyaasadeed oo ay kooxda joogta ka gashay dowladdii wiilkoodu Madaxweynaha ka ahaa, kana go’antahay ineey si ficil ah u hirgeliyaan oraadii “Qaan Mareexaan waa qaaxo kugu maqan” iyo koox jecel in cadowga la jabiyo laakiin dooneeysa in la jabiyo iyaga oon meeshooda u soo dhaafin, waxaase xusid mudan in ay saraakiisha dalka xoreeysay ay ku leeyihiin rag haldoor ah oo fagaarayaasha dagaalka taariikh ka qoray.
CEYR: Waa reer cadowga iska xoreeyay 14 Sano ka hor iyaga oo taageero lixaad leh ka helay beelaha Xeraale iyo Caabduwaaq oo ay ku midoobeen caqiidada toosan ee Ahlusunnah Waljamaaca, Hadda waa reerka ay ceebta ugu weeyni dul hoganeeyso, Madaxweynihii dalka oo marti u ah 46 maalmood aanan ugu hambeeyn sidii uu ugu lisay, taas baddelkeeda waxay macaash ka sameeyaan fursadaha dhaqaale ee lagu bixiyo qabaa’ilka deegaannadooda la heysto gaar ahaan, Mursade iyo Duduble, dadka Beesha Ceyr hadda dura waxay ku sheegaan, beel Madaxweynaha jeebkiisa baartay, oo ay maalinba film u shida, si in muddo ah maqaayadaha Dhuusamareeb iyo Guriceel ay faa’iido u soo saaraan sannadkaan dagaalku socdo ,(tusaalaha ugu fiican waa ficilka ay galabta sameeyeen oo ay uga soo bexeen dhammaan furimihii dagaalka iyada oo uu Madaxweynihii dalku marti u yahay maalinkiisii 46-aad iyo in qaabka ay beelaha kale ee dagaalka ku jira ay gaadiidkooda dagaalka (Tiknikada), hubkooda culus (Dabajeexyada iyo boobayaasha) iyo wiilashooda dagaalamaba ay ka kireeyaan beelaha aan dhimashada rabin dheeftana heeysta.
HAKA GUBAN EE GUUBAABO U QAADO.
cali yare cali

Leave A Reply

Your email address will not be published.