Amnesty International oo ku boorisay madaxweynaha Soomaaliya inuu qaado 10-qodob oo lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka

Talaado, November, 15, 2022 (HOL) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya inay qaadato 10-qodob oo ka kooban qorshaha xuquuqda Aadanaha.

Amnesty International ayaa u soo bandhigtay dowladda Soomaaliya qorshe ka kooban 10-qodob, kaasoo ay ku qeexayso tallaabooyinka ay tahay inay qaado si loo horumariyo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka Soomaaliya.

Amnesty ayaa ku boorisay madaxweyne Xasan Sheikh inuu wax ka qabto caqabadaha xuquuqul insaanka ee taagan, iyo inuu taageero ka helo beesha caalamka si loo xaqiijiyo isbeddel waara iyo in horumar laga gaaro horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

* In la ilaaliyo xuquuqda rayidka.

* Dib u habaynta nidaamka garsoorka.

* In la xaqiijiyo caddaaladda iyo magdhowga xadgudubyada ay geystaan ciidamada shisheeye.

* In la dhowro lana ixtiraamo xoriyada hadalka.

* Dammaanad qaad iyo ilo ku filan helitaanka xaqa caafimaad ee qof kasta.

* In la ilaaliyo dadka gudaha ku barakacay lana joojiyo raritaan qasab ah.

*In la ilaaliyo xuquuqda carruurta.

* In la Ilaaliyo haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda bini’aadantinimo lagana ilaaliyo xadgudubyada galmada.

*Ka-hortagga isbeddelka cimilada iyo xasaradaha kale.

*In la dhiso oo la hawlgeliyo Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

 

Comments are closed.