Ciidamada DANAB oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah kadib

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano waqooyiga ka xiga magaallo xeebeedka Kismaayo.

Howlgalka oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayaa ciidamadu waxa ay ku gaareen deegaanada kala ah:- Dheycabdi, Mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo Bandarjadiid oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu aysan la kulmin wax iska hor imaad, islamarkaana ay deegaanadaas kula wareegeen si nabad doon.

Saraakiil u hadashay Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee ciidanka Danab oo howlgalladan sameeyey inay deegaanada ay qabsadeen laga soo abuubuli jiray weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen saldhiga iyo xarumo kale oo ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ka hortageen weeraro qaraxyo, islamarkaana ay ku guuleystaan inay soo saaraan sagaal miino oo ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka muhiim ah oo ay isticmaalaan dadka shacabka iyo gadiidka isaga kala goosha gobolkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya agagaarka magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Leave A Reply

Your email address will not be published.