MUCAARADKA SOMALILAND: MUUSE BIIXI WAXAAN U AQOONSANAHAY ‘MADAXWEYNIHII XILKU KA DHAMAADAY’

Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay Muuse Biixi u aqoonsan yihiin ‘Madaxweynihii xilku ka dhamaaday’ iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid
waxay sheegeen in goleyaasha deegaanka, wakiillada, maxkamadaha iyo maamulka adeega dadweynaha oo kaliya ay u aqoosan yihiin sharci.

13 November 2022, oo maanta ku beegneyd waxaa ku ekee muddo xiliyeedka dastuuriga ah ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inkastoo Golaha Guurtida Somaliland dhawaan sheegeen in ay labo sano ku kordhiyeen muddo xiliyeedka madaxweynaha.

PUNTLAND POST

Leave A Reply

Your email address will not be published.