Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay qaraxii Istanbul iyo baaritaan bilowday

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay qaraxii galabta ka dhacay Istanbul weerar khiyaano ah.

Waxaa uu sheegay ineysan baxsan doonin lana ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay, isagoo xusay in laamaha amaanku ay waajibkooda gudan doonaan

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay 53 kalena way dhaawacmeen, sida uu sheegay madaxweynaha isagoo tacsi u diray qoysaska dadka waxyeeladu soo gaartay.

Bamka ayaa ku qarxay waddo caan ah oo ku taal Istanbul, Muuqaal la soo dhigay online-ka ayaa muujinaya baabuurta ambalaasta, kuwa dab-damiska iyo booliiska oo ku sugan goobta uu shilku ka dhacay oo ku taalla waddada Istiklal, oo ah waddo caadi ah oo camiran oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka oo ay ka buuxaan dukaamo iyo maqaayado.

Mid ka mid ah fiidiyowyada, ayaa laga maqlay jug weyn iyo holac ah, iyadoo dadkii lugeynayay ay kala carareen.

Shan xeer-ilaaliye ayaa loo xilsaaray inay baaraan qaraxa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu ee ay dowladdu maamusho.

Dowlada Turkiga ayaa xayiraad ku meel gaar ah ku soo rogtay warbaahinta gudaha taasoo oo laga mamnuucay adeegsiga muuqaallada dhow iyo sawirrada qaraxa iyo wixii ka dambeeyay. iyadoo Sidoo kale dowladu hoos u dhigtay xawaaraha internetka si kooxaha fuliyey weerarka loo xakameeyo dacaayadahooda.

Dalka Turkiga ayaa intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2017 waxaa ka dhacay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo ay geysteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo kooxaha Kurdiyiinta ee laga mamnuucay dalkaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.